“Magaalada Dowladdu Maalinkii ayay katalisaa xiliyada Habeena waxaa ka aramiya Xarakada Alshabaab”ayuu Yiri Cukaasha oo Lacabsanaya in Lagu dhex dilo Magaalada.
“25 cisho kahor ayay magaalado kabaxeen ciidamadii Nabadsugida haatan Milatari oo Kaliya ayaa Nala Joogoa,waxaynu Rabnaa Askar Booliis ah,Alshabaab ayaa Maalin kasta kadagaalama Duleedka Marka”ayuu yiri Cukaasha.
Cukaasha ayaa Ugu Baaqay Dowladda in Ciidamo Degdeg ah oo Dheeraad ah ay usoo Daad Gareyso Marka Cadey.
“Waxaan Codsanaynaa in Ciidamo Nabadsugida ah Dowladdu ay keento Marka”ayuu Kucelceliyay Gudoomiyaha Kumagacaaban Magaalada Marka oo Xarun u ah Gobalka Shabeelaha Hoose.
Qeylo Dhaanta Kasoo yeertay Gudoomiyaha Marka ayaa Kusoo aadaysa xili dhowr Jeer Mujaahidiinta Alshabaab Ciidamadooda weerar Culus ku qaadeen Fariisimaha Askarta Shisheeye iyo kuwa Dowladda kuleeyihiin Gudaha magaalada.
Dhowaanahanba madaxda gaalo-madow-raacyadu ma qarsaneyn inay dhahaan: maalintiina annagaa magaalada Marka ka talinna; habeynkiina Shabaab! Laakiin hadda Axmed C/Raxmaan macallin Cukaasha oo sheegta guddoomiyaha Marka baa qiray in Shabaabku soo dhoobeen ciidan badan magaalada gaararkeeda ayna dhici karto inay waqti kasta dib ula wareegaan magaalada! Lama garanayo warkan aan horay looga baran gaaloraacyada inay hadda saxaafadda ka sheegaan.