Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo ku calaacalay “Dadkeygii Baa Gaarisa Ciidankii aan taliyaha u ahaa ku xasuuqayaan”, Iyo Dalka Kenya oo Soomaalida si wadar ah loo ugaarsanayo.

Ciidamada Milatariga Kenya oo shalay magaalada Gaarisa lagu sii daayay ayaa waxay dab qabadsiiyeen suuqa magaalada ugu weyn ee loo yaqaanno Suuq Mugdi, Waxana ay ciidamadu ku kaceen wax kasta oo ay ku xumaynayaan Shacabka ku  dhaqan magaalada Gaarisa. Isbitaalka magaalada Gaarisa ayaana la waayey meel la kala dhigo dadka dhaawaca qaba, ayadoo waliba dhaawaca ay qabaan Dadkaasi uu yahay Rasaas si ula kac ah ay ugu fureen Ciidamada Kenya.

Dadka dhaawaca ah ayaa isugu jira dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, Waxana magaalada laga raafay Guryahoodana la bililiqeystay Shacabkii Soomaaliyeed ee magaaladaas ku noolaa kuna dhashay.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa dumar ay Askarta Kenyaatigu kufsadeen, Waxana Arrinta Gaarisa ay haatan mareysaa in Wasiirkii Gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji oo Gobolkan Gaarisa laga soo doortay Ciidamada falkan geysanayana ay hoos yimaadaan uu qeylo ka badin waayo iyo in uu ku cabaado in Dadkiisii la xasuuqay oo ay weliba gumaadayaan Ciidamo uu Isagu Taliye u yahay.

Dhanka kale Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka socda qulqulatooyin u dhexeeya qowmiyadaha kale ee Kenya iyo Soomaalida taasi oo ka dhalatay Gaari caasi ah oo shalay lagu qarxiyay magaalada isla markaana Soomaalida in ay gubtay lagu shaabadeeyay.

Arrintu sikastaba ha’ahaatee Amaanka Kenya ayaa faraha ka sii baxaya, waxana laga cabsi qabaa inay xaaladdu gaarto meel aanan la xakameyn karin, Waxana xusid mudan in Soomaalida dhoohanayaasha ah ee lakala safan Kenya iyo Ugandha in aaneyba weli ku baraarugsaneyn in Kenyaatigu aaney kala jecleyn Soomaali Qolada uu ka yahay oo si wadar ah loo xasuuqayo Qofkiiba Muuqiisu uu Soomaali yahay, Iyadoo weliba Sooomaalida Gobolka NFD kasoo jeedda uu dhibku ku badan yahay Maadaama ay iyagu isu haystaan Kenyaati meel cidlo ahna ay ku baqtinayaan.