Maalinkii Todobaad oo Duqeynta Yahuuddu ay Kusocoto Gaza.

Wararka Naga Soo Gaaraya Magaalada Gaza ee Dhulka Reer Falastiin ayaa Kuwaramaya in Maalinkii Todobaad Duqeyn Arxan Daro ah Yahuudu ay kagaysanayaan Gaza Halkaasi oo Shuhado Laga Soo sheegay.

Shalay ayay ahayd Maalintii ugu Dhimashada Badnayd iyadoona ay shahiideen 38 qof oo shacabka Reer Falastiin ah.

Nin, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa ayaa kamid ah Dadka Shalay kushahiiday Duqeynta Gaza.

Maanta ayaa wali Duqeyntu ay kusocotaa Gaza,waxaana Kooxaha Falastiin iyana Gantaallo xoogan kugaraacayaan Dhulka Xooga Lagu dajiyay Yahuuda!

Dhimashada ayaa Haatan Gaartay 111 ruux iyadoona Dhaawaca intaasi uu kabadanyahay.

Yahuudu ayaa sidoo kale shalay  iyo maanta Duqeeyay Xarumo Warbaahineed oo kuyaala Jiida Gaza.