Kenya oo Shideysa Qiiqii ay ku Kicin Lahaayeen Shinnida (Soomaalida) Malabka Dhigtay Islii

Wax dadka Soomaaliyeed laga codsaday inay Ilaah u noqdaan oo qaataan Shareecada Islaamka. Waxaa lagu yiri: xitaa haddii laga gaabiyo Shareecada yaan laga tagin waddaniyaddii! Dadka Soomaaliyeed inta dhulkoodii soo gubeen, oo aysan dan ka lahayn gaalada madowda ee qabsatay bayu qabaan inay ku badbaadayaan meel kale!

Shacabka Kenya waxay ahaayeen keeb-la-yuurar si ay u dhacaan hantida Soomaalida cawaanta ah ee qurbaha joogta iyadoon Shabaab la aqoon! Iyadoon shabaab la aqoon baa la isku wacdin jiray inaan la dhisan waddan kale! Khaasatan dad aan Muslim ahayn oo berri kugu kici kara! Shacabka Kenya iyagaa is dila mararka qaarkood! Waa la ogaa waxay isku dhigeen doorashadii hore! Ma jirtaa ganacsato Soomaaliyeed oo dhowrkaas sano isku diyaariyey inay hantida kala baxaan Kenya? Ma fileynno inay jirto! Waxaad mooddaa inaysan waxba dhicin!

Haddaba hala ogaado wuxu waa adduunyo. Shilal wey dhacayaan! Doorashaa soo socota! Cinqilaab baa dhici kara! Qabiillaa isku dhici kara! Hadday koronto qaraxeed ku burburo dhismayaal; waxaad arkeysaa shacabka Kenya oo weerar ku soo ah inay dhacaan Islii iyagoo leh: Shabaab baa na qarxiyey! Sheekadaas Galbeedka waa ka jirtaa! Wax kastoo dhaca waxay marka hore dhacaan: Al-Qaadicaa sameysay! Hadhow baad maqleysaa iyagoo leh: qof aan Muslim ahayn baaba sameeyey! Haddaba ma la gaaray waqtigii dadka Soomaaliyeed ka tashan lahaayeen joogitaanka waddamadaas?

Qofku hadduu ka damqan waayo shacabkiisa oo gaalomadow xasuuqeyso; waa caadi in iyagana la xasuuqo! Adduunkoo dhan baa fiirsanayey qofkii Soomaaliga ahaa ee dadka Kenya ku ciyaarayeen kubbadda! Haddaba in Soomaalida lagu gubo Qurbahoo dhan xaq baan u leennahay si naloo tuso waxa waddanimo tahay! Waad maqleyseen in wadaaddo lahaayeen ” I don’t care about Mogadishu”. Marka waa la arki doonaa cidda u harta saraha laga dhisay Islii Soomaali iyo dadka Kenya ama inta qof oo Soomaali ah oo si ka baxsan binu Aadamnimada loogu dilo Kenya! Markii meel kasta nala ku xasuuqo baan ku miti doonnaa waddankeenna insha Allaahu!

Xaqiiqdii, shinnida inta dab lagu shido laga qaato malabkeedee waxay Soomaalida uga fiican tahay waxay leedahay boqorad iyo kala dambyn! Soomaalidu ka caqli xun shinnida oo iyagaa cadowga isu loogaya oo qaarna Kenya aad arkeysaan bay taageerayaan qaarna Burundi iyo Ugaandha.

Maxamed Xaamud

Xigasho Somalimidnimo.com