Faroole oo Ictisaamka ka Codsaday inay Xisbi ka Furtaan Puntland iyo Madaxdoodii oo ku kala Jabay iyo Jawaari oo xisbiga Faroole ku sheegay been ah BUG

Waxaa bannaanka u soo baxay inay jiraan shirar dhex maray Faroole iyo Ictisaam oo ku saabsan inay xisbi furtaan. Arrintaas waxaa qoray saxaafadda Puntland, waxaana og shacabka Puntland. Faroole markuu waayey siyaasiyiin kale oo u camirta inay xisbi furtaan si qas iyo qalaanqal looga sameeyo Puntland buu u yeeray Ictisaam oo yiri xisbi furta oo ii camira!

Waxaa la sheegayaa in Ictisaam ka og dhow Faroole dhaheen: waxaan furaneynnaa xisbi laakiin waxaa ku diiday qaar kale oo Ictisaam ka mid ahaa baa yiri: annaggaa xafladda Faroole ku furanayey xisbigga gardaadinnay, haddeernna haddaan xisbi furanno oo dadka dhinac wareernno, innagii madaxda Ictisaam ahayn baa kala jabaynna ileyn horay baa dhallintii nooga tageenne!

Warkaas waa war sugan oo ganacsato Ictisaam ah sheegeen, lagana ogyahay Puntland! Sidii sheekh  C/Qaadir u tagay xafladdii lagu lalinayey xisbiga Faroole; dadkii Puntland waa arkeen inay Ictisaamku la safteen Faroole, umana aqoonsana inay yihiin culumo dadka u dhaxeysa!

Faroole wuxuu u baahan yahay taageero! Wuxuu rabaa inuu garab ka helo Ictisaamka maaddaaba ay leeyihiin ganacsato badan laakiin wuxuusan fahmin in ganacsatada Ictisaamka nin kasta qabiil leeyahay; macquulna maaha inay Faroole ku taageeraan xil-korarsi!

Saxaafadda dowlad-ku-sheegga Xasan sh. Maxamuud baa wax ka weydiisay guddoomiye-ku-sheegga baarlamaanka, Jawaari, siduu arko arrimaha xisbiyada la sheegayo inay ka jiraan Soomaaliya! Jawaari wuxuu ku jawaabay inaysan jirin wax xisbi ah oo Soomaaliya ka jira! Wuxuu yiri waxaa jira ururro! Wuxuu yiri Xisbi ma abuurmi karo ilaa la dejiyo qaanuunkii lagu dhaqi lahaa, lana ansixin lahaa! Wuxuu sii raaciyey in xisbigu ka howl galo Soomaaliyoo dhan! Waxaa loo qaato inuu ku dhego hadlayo Faroole!

Iska daa in xisbiga Faroole xubno ku leeyahay Soomaaliyoo dhane, xitaa xubno kuma laha magaalooyinka Puntland! Waxaad mooddaa in Jawaari ka jawaabayo su’aal Somalimidnimo.com dadka weydiisay oo ahayd: Muxuu Xasan sh. Maxamuud uga aamusay xisbiga Faroole sheegtay!

XIGASHO SOMALIMIDNIMO.