Dhismaha Safaaradda Soomaaliya eeku yaalla magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga oo la kiraystay waxaana kiraystay Nuur Cadde iyo Shariif Sheekh oo lacago hormaris ahna gacanta sii dhigay!!

Magaalada Roma ee Xarunta dalka Taliyaaniga ayaa Wararka Maanta naga soo gaaraya waxa ay xaqiijinayaan in Ambassadorka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) marna soo noqday R/Wasaaraha Soomaaliya uu kireeyay dhismihii Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Roma ee Dalka Taliyaaniga, Waxana Nuur Cadde uu muddo 18 Sano ah ka kireeyay dhismahaas Safaaradda Soomaaliya ay leedahay Shirkad la yiraahdo  Italian Tourist Service oo laga leeyahay dalka Taliyaaniga, Lamana oga in Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne Xassan Sheekh ay wax ka ogtahay arrintaas, Iyo in ay Arrintan isla ogyihiin Nuur Cadde iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed..

Shukri Said oo ah Saxafiyad u shaqeysa Wargeyska ugu ballaaran dalka Taliyaaniga ee la yiraahdo La republica sidoo kalena wax ku qorta Wargeyska kale ee lagu magacaabo Unita ayaa xaqiijisay in Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde), Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaaradda kireeyay.

Shukri Said ayaa sidookale sheegtay in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium haatan oo uusan joogin Talyaaniga, Waxana ay tilmaantay in iyada iyo Wiil kale oo Hooyadii Soomaali tahay ay 2 maalmood oo xiriir ah ku sugnaayeen dhismaha Safaaradda oo ay isku dayeen inay is hortaag ku sameeyaan Shirkadda Dayactiraneysa Safaaradda, Waxana ay intaasi ku dartay In Sharciga Taliyaaniga uu dhigayo haddii Shirkadda ay shaqo ka billowdo aan laga hor istaagi karin, iyadoo xustay inay adkaan doonto in dib loogala wareego Shirkadda laga kireeyay Safaaradda.

Dhinaca kale AVV Xassan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in Safaaradda lagu kireeyay 9ka Sano ee hore Lacag gaaraysa Toban kun Euro ( 10,000 ) bishiiba, Halka 9ka Sano ee dambena  lagu kireeyay 15,000 Euro bishiiba.

“Arrintaasi waa arrin jirta, Safiirka markii uu la saxiixday heshiiska Shirkaddaas ayaa waxa iiga warbixiyay Shaqaalaha inuu ku kireeyay bishii Euro 10,000 Sagaalka sano ee hore, Sagaalka kalena 15,000 Euro Bishiiba, warkaasi markaan maqalnay aad baan ugu xumaannay waayo Shirkadda waxa ay bedelaysaa qaabka ay hadda u dhisantahay Safaaradda, waxaana adkaan doonta in mar kale ay noqoto Safaarad,” sidaasi waxaa yiri Abukaate AVV Xasan Ducaale .

Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkaddaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu Madaxda dowladda Soomaaliya  ka dalbadey in wax laga qabto arrintaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Nuur Cadde iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay isla ogaayeen Kirada Safaaradda la kireeyay, Lacagaha laga helayna intii la hormariyey ay ku maqantahay Shariif Sheekh Axmed, waxase aan la’ogeyn in Dowladdan cusub ee Xassan Sheekh ay arrintan kahor tagi doonto iyo in kale.

lettera-trascritta

lettera-trascritta (1)

lettera-trascritta (2)