Sheekh Cali Dheere “Walaalaheenna reer Falastiin dhibta waan idinla qaybsaneynaa” (Dhageyso)

Xilli ay Yuhuuddu weli si xowli ah u sii wado duqaymaha cadowtooyo ee ay ka wadaan marika Gazza ee dhulalka reer Falastiin halkaasi oo ay ku dhibaateysanyihiin shacabka Muslimka ah ee Falastiin ayaa arinkaasi waxaa ka hadashay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaadda wadanka Soomaaliya.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa`id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Yuhuuddu ay weli soo wado gumaadka arxandarrada ah ee ay ku hayso shacabka Muslimiinta reer Falastiin, waxaana uu intaasi sheekhu ku daray in Yuhuuddu doonayso inay gebi ahaanba dadkaasi.

Sheekh Cali Dheere waxaa uu tilmaamay in arinkaasi ay ka Muslimiin ahaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin aad uga xuntahay islamarkaana ay la murugaysanyihiin lana xanuunsanayaan walaalaha reer Falastiin ee la gumaadayo, isagoona Muslimiinta reer Falastiin ugu baaqay inay sabraan Allaahna ajar ka xisaabsadaan islamarkaana aanay isu jilcin cadowga isagana difaacaan wixii ay heli karaan oo tabartooda ah.

Halkan ka dhageyso Sheekh Cali Dheere 15-11-2012.lite

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere, afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa uu Muslimiinta caalamka ugu baaqay inay u gurmadaan walaalahooda la baabi`inayo, una duceeyaan in Allaah cadowgaasi ka dulqaado.

Xigasho radioalfurqaan.com