Shariif Sh. Axmed iyo xaas ka yimid xaasaskiisa oo loo ogolaaday oo maanta ka hayaamay Moqdisho kana degay Kampala kadib markii uu magangaliyo siyaasadeed ka helay saaxiibka ay siyaasadda jaalka ku ahaayeen Musavani.
Shariifku wuxuu cunayaa lacagtuu diitiisii ku iibiyey oo ku soo beddeshay gaalnimo laakiin Museveni wuxuu u ballan qaaday inuu sugayo nabaddiisa! Museveni ma ka celin karaa Wadka Shariifka? Waa dhici kartaa in Museveni wax lacag ah dib ugu cesho Shariifka haddii shaahu u gooyo!
Labo bilood ka badan bay ku qaadatay Shariifka inuu jeexo khariidadda meeshuu ku noolaan lahaa isagoo og khatarta wajaheysa! Muslimiinta adduunka waa isku xiran yihiin hadda! Waxaa ugu daran oo dhici karta inay beegsadaan Salafiyiin u dhashay Ugaandha! Marka maantuu Shariifka oo dulleysan u duulay Kampala!
Sh. Shariif oo horay u shaaciyay inuusan dalka dhinacna u dhaafayn kadib markii laga guulaystay ayaa la sheegayaa inowsan meel kale tagi doonin,taaso la diiday iyo amaankiisa oo uu hubi waayay inay xaqiijin karto dawladda federaalka oo hogaanka yahay Xasan Sheekh iyo xisbigiisa Dam Jadiid.
Arinta kale ee ayana saamaynta yeelatay ayaa la sheegayaa inay ahayd xanibaad lagu sameeyay dhaqaalihii ku baxayay amaankiisa iyo nolosha dadka ku xeeran ee ka qayb qaadanaya.
Kooxda Damu Jadiid ee ku hareeraysan madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa il gooni ah ku eegaysay Shariif, una arkaysay khatar meel soo yuururta inta uu dalka gudihiisa joogo, waana taasi midda ku qasabtay in Shariifku uu dal kale oo waliba Afrikaan ah iska dhiibo.