DHAGAYSO: Ugaas Maxamed Wali Afhayeenka Beelaha Daarood Oo Si Kulul Oga Hadlay Khilaafka Jubbooyinka,”Intii Baaniyaal’Kukuuyo’ cuni lahaa Cali ha Beeesaysto”

Ugaas Maxamed Wali, Afhayeenka Beelaha Daarood ayaa si kulul oga hadlay, khilaafka maamul usamaynta Jubbooyinka. Ugaasku wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin Muslimiin isla markaana, Uganda, Kenya IGAD ay yihiin gaalo oo aysan wanaagsanayn in markaa ay maamul u sameeyaan gaalo.

Ugaaska oo Idaacadda BBC ka hadlayey ayaa sheegay in uusan taageersanayn, Ninka Madaxweynaha Villa Soomaaliya sheegta Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwo ciidamada Kenya ku qabsaday magaalada Kismaayo. Ugaas Maxamed Wali ayaa fariimo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan wax garadka Beesha Daarood iyo Aqoonyahanadooda.

Dhagayso MP3 Ugaas Maxamed Wali Halkaan Riix Ama Guji

Isha Maqalka BBC Somali. 
C/laahi Shire 
Somalimidnimo.com