Sidaad arki doontaan labada Filim ee Caliwajiis ku jiro wax badan uma dhaxeeyaan marka la duubay! Mid wuxuu muxaadaro looga hadlayey dumarka dhinac fadhiyey Axmed Daahir Aweys, Umal,Shibile iyo Mustafe. Wuxuu markaas si cad u sheegayey inay dumarku guryahooda joogaan ooy ka soo baxaan shaqadaas. Wuxuu sheegay kaalinta dumarku ku leeyihiin Islaamka laakiin wuxuu xusay in Dumar la khaldi karo, gaaladuna rabto inay guurkana ku diraan, guryahan ka soo saaraan!
Waxaa la arkay Caliwajiiskii saas lahaa oo Xalane oo lama-galaan ah galay (Amisom Gender Office) kaddib markuu horay u soo saaray ururka haweenka Soomaaliyeed! Wuxuu dumarka ugu yeerayaa inay baarlamaanka soo galaan oo tirada Mahiga siiyey (30%) la siiyo, weliba suubbis loogu daro! Waajirjiroole!. Wuxuu leeyahay Caliwajiis, sida aad Cajalka ka daawan doontaan marka uu ka qayb galay Shirka lagu qabtay Amisom Gender Ofiice , “Aniga, Nuur Baaruud iyo Sheekh Cumar Faaruuq ayaa Dumarka u Fatwooday in ay Baarlamaanka galaan!”.
Wadaaddadii Soomaaliyeed badankoodii waxay la mid noqdeen qoraalladii Xariiri kaga hadli jiray Muqaamaadkiisii:
لبست لكل زمان لبوسا ولابست صرفيه نعمى وبوسى
وعاشرت كل جليس بما يلائمه لأروق الجليسا
فعند الرواة أدير الكلام وبين السقاة أدير الكؤوسا
Xariiri isagoo shakhsigii Abu Zeyd iska dhigaya wuxuu leeyahay:
Waqti kasta dharkiisaan gashadaa, waxaana la fal galay barwaaqadiisa iyo dhibkiisaba
Cid kasta oon la fariisto waxaan kula mucaamalooday wixii ku habboon si aan u soo jiito qofkaas
Culumada agteeda waxaan ka hadalnnaa culuunta; qolyaha khamriga cabbayana (marfashka) waxaan wareejinnaa koobabka (mijinta jaadka ah).
Ilaahay amarkii saad labada filim ku arki doontaan; markii Caliwajiis wadaaddada Salafiya Jadiid iyo Ictisaam la fadhiyo wuxuu watay qamiis, cimaad iyo koofi! Markuu dumarka iyo Amisom la fadhinaya wuxuu wataa surwaal, shaar, iyo jaakad! Xitaa koofiyad ma wato! Soow xariiri isagoo kale uma diyaarin gabaygaas? Soow sidoo kale Qaasim Allaha u naxariistee gabayga soo socda uma tirin Wadaaddadaas iyo wixii la hal maala?
Axmed Ismaaciil (Qaasim) Allaha u naxariistee wuxuu yiri:
- Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae
- Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
- Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye
- Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala’e
- Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
- Marbaan ahay nin xaaraan maqdaca aan marin jidiinkise
- Marna tuug mu’diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
- Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
- Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye
- Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
- Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
- Marna reer magaal loofaroon muuqan baan ahaye
- Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays roga e
- Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
- Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye
- Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
- Malaa’igta naartiyo jannadu waygu murantaaye
- Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay
- Ee ina rag maamuli yiqiin waa i maan garanne
- Ninkastoow halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
- Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin
- Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye
Maxaa Ictisaamku Ninka saas ah ugu Casuumayaan Muxadarooyinka?
Waxaa la dhahaa: shimbirba shimbirkiisu la duulaa! Marba hadday Ictisaam qaarna safiirro Maraykan ah masaajiddii keenayaan, qaarnna wasiirro Kenya u dhashay xabadka saarayaan, qaarnna Mahiga Garoowe khudbo ugu furayaan, qaarna ina Iley Jigjiga ku shirinayo; maxaad ka fileysaa? Marka waxay u egtay maaddaama ay Mujaahidiintii caay ku hayaan in Ilaahay saas u dulleeyo oo khaatimadoodu ku soo xiranto iyo gaalo iyo Islaax hoosta kaga jira.
Dhagayso Cali Wajiis Oo Dumarkii Soomaaliyeed Gaalomadowda Amisom ugu geeyey Xafiiskooda Amisom Gender Office oo leh Dumarka ayaan la tashan jirnay oo Aniga, Nuur Baaruud iyo Sheekh Cumar Faaruuq ayaa u Fatwooday in ay Baarlamaanka galaan MP3 Halkaan Riix Ama Guji Hooska Ka Daawo Video (Muuqaal)
Hoos Ka Daawo Cali Wajiis Oo Xafiiska Amisom Gender Dumar Ugu Geeyey Gaalomadowda.
Hoos Ka Daawo Cali Wajiis Oo Axmed Daahir Aweys, Umal, Mustaf Garabka Ku Haya Oo Leh Dumarku waa Makri Badan Yihiine Gaalada Ha Laga Ilaaliyo, Mu’tamarkii South Africa!.