Togane oo Sir-qarsooneyd daaha ka rogay:Togane Oo Ku Tufay Xasan Sheekh Iyo la taliyihiisa Siyaasada C/Qaasim Salaad Qarxiyayna ( Dhageyso)

Professorka caanka ah ee Soomaaliyeed Professor Togane oo wareysi kulul siiyay Shacabkamedia,ayaa ka hadlay sida uu u arko ansaxiintii Golaha Wasiiradda ee 10-ka Wasiirka ka kooban,isagoo si xun ula hadlay La Taliyaha qaaska ah ee Madaxweyne Xasan,ninkan lagu magacaabo C/Qaasim Salaad iyo Sirta ka dambayso in Kismaayo iyo Jubooyinka looga hor-istaago Maamulka ay dhisanayaan dadka deegaanka.

“Ninkan Cadale Ceeldheer,Jowhar maamul ha u dhiso isaga iyo Cali-Ameeriko maxaa daba-dhigay Maamulka Jubuuoyinga”ayuu yiri Professorka oo ka careysan in dadka deegaanka Jubooyinka tashwiish lagu furo inay dhistaan Maamulkooda.

Togane ayaa qarxiyay Sir-qarsooneyd oo ku saabsan cidda Maalgelisay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guuleystay kursiga iyo In Xildhibaanadda Baarlamaanka ay lacag laaluush ah siiyeen Dawladaha Qatar iyo Mareykanka.

Professorka ayaa sidoo kale ka hadlay in Madaxweyne Xasan-Culusoow iyo Puntland ay kala dhinteen,maadaama uu diiday inuu kala tashto shaqsiga Reysalwasaaraha loo magacaabayo iyo Wasiirka loo qoondeeyay Puntland oo Madaxweynaha diiday inuu kala tashto Madaxweynaha Puntland Dr Faroole.

Daawo Warersiga Proffessor Togane oo Sir-qarsooneyd daaha ka rogay:

http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=wzJ9I8xggQc#t=0s