Talo Xume Tarsan!Ganacsatadii hore ee Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne ayaa waxaa ay uga hadleen Dhac ay sheegeen in Dawladda Hoose ee Xamar ay ku hayso Hantidooda gaar ahaanna Bacadlihii Xamar weeyne oo Duqa Magaalada Muqdisho Mr Tarzan uu kaga iibsanayo Shaqsiyaad ganacsato ah oo ay xiriir leeyihiin.

Ganacsatadan ayaa sheegay in Dukaamo ay halkaa ku lahaayeen laga iibiyay dad kale oo Lacago fara badan looga aruursaday, taasoo ay sheegeen inuu amarkaasina bixiyay Guddoomiyaha Gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Kulanka markii uu soo gabagaboobay ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Afhayeenka Guddiga Bacadlaha Xamar Weyne Xasan Nuur Sabriye oo sheegey in Bacadlaha si sharci darro ah uu Guddoomiyaha Gobolku uga iibsaday Shirkado iyo dad kale oo uu Lacago ka qaatay.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Tarzan boob aan loo meel dayin uu ku hayo Bacadlaha isagoona ugu baaqay Madaxda ugu sarreysa dalka in arrintaasi si deg deg ah ay ku soo fara geliyaan isla markaana Tarzan ay ka celiyaan boobka uu ku hayo Hantidooda, Haddii kale wixii dhibaato ah ee ka yimaada Masuuliyaddeeda uu qaadi doono Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo cid kasta oo wax ka qaban karta boobka uu Tarzan ku hayo Hantida ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaanna ganacsatadii uu ka gubtay suuqa Bacadlaha Sanadkii 1983dii waa in ay wax ka qabtaan ayuu yiri afhayeenkaas u hadlay ganacsatadii Bacadlihii Xamar Weyne ee xaqoodii la duudsiiyay iyagoona weydiistay Madaxda Dalka in Guddoomiyaha Gobolka laga joojiyo dhaca iyo boobka uu ku hayo Hantida Dadweynaha.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waa in Sadaxda Mas’uul ee ugu sareysa Dalka ayan yaraysan warkeenna oo si deg deg ahna wax uga qabtaan boobka lagu hayo hantideena.

Ugu danbayntiina waxaa halkaa ka hadlay iyaguna Cabdi Salaad Xassan iyo Muxyidiin Iidoow Warsame oo ka mid ahaa ganacsatadii uu suuqa Bacadlihii Suuqa Xamar weyne ka gubtay 1983dii kuwaas oo iyaguna sheegay in dhac bareer ah uu ku hayo Tarzan Dukaamo ay ku lahaayeen Bacadlaha iyagoona intaa raaciyay in kulan ay la qaateen Tarzan uu ugu Caga jugleeyay inuu Xirayo haddii ay isku dayaan inay mar kale kala hadlaan arrinta Bacadlaha.

25846808