Sarkaal Sare oo katirsan taliska Addis ababa oou baxsaday wadanka Kanada

Warar   aan kahelay Magaalada  Addis ababa  ee  casimada gumaysiga Ethiopia  ayaa  sheegaya  in  madaxii xidhidhka dadwaynaha ee dowlada Federalka gumaysiga Addis ababa,  Atakliti Hagos  iyo heer kiisuba ay ubaxasadeen wadanka  Kanada ,  arintan ayaana  calaamad u ah kalayaaca iyo   qalalaasaha  siyaasadeed ee kusoo foole wadanka gumaysiga Ethiopia.

Televion ka ESAT  ee ay leeyihiin mucaaradka wadanka Ethiopia ayaa lagu sheegay in Masuulkani muda laba billoda kamaqnaa wadanka isaga oo socdaal kutagay wadanka Kanada sidaasna ku baxsaday,

Waxaa kor usiikacayay tani markii uu geeriyooday Fircoonkii qarniga Zenawi baxsiga iyo cararka  kooxda EPRDF ama TPLF  Getachew Belay oo ahaa wasiirka khayradka  iyo madaxa dhaqan celinta dalka ayaa isna ubaxsaday wadanka Maraykanka  bishii lasoo dhaafay

Ninkan oo ay qaraabo dhaw ahaayen Sebhat Nega oo,ah aas aasihii kooxda TPLF ayaa lasheegay inu dhunsaday Malaayin dollar oo lacaga Waxa uuna hada kusugan yahay wadanka Maraykanka,Dawlada gumaysiga Addis ababa  ayaa umuuqata mid xaaladeedu ay kasii darayso iyadoo laga cabsiqabo in ay sii karodho baxsiga iyo cararka kooxda TPLF iyo EPRDF