Xildhibaana Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil oo Sheegey in Dowlada Kenya ay Qorsheryneyso in Kismaayo ku Darsato Dalkeeda.
Wasiirka Dalxiiska Kenya “Dawladda Soomaaliya haddii ay Kismaayo Wefti u soo direyso waxa loo baahnaa inay nagu soo wargeliso ka hor intaanay tegin meesha.”
Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si weyn uga Hadley Arimaha ka taagan Magaalada Kismaayo ka dib markii dhawaan ay qabsadeen Ciidamo ka tirsan Dowlada Kenya islamarkaana Gacan Siinayey Jabahada Raaskambooni, waxana uu sheegey in Dowlada Federaalka looga baahan yahay in ay kala Caddeyso Joqraafi ahaan iyo Deegaan ahaan halka ay ka tirsan tahay Kismaayo Soomaaliya Mise Kenya.
Mudane Dhalxa waxaa uu sheegey in Gobolka Jubada Hoose ay ku dhaqan yihiin Qabaail farabadan kuwaas oo uu sheegey in loo baahan yahay in ay sameystaan Maamul u gaar islamarkaana waxaa uu sheegey in Xiligaana loo baahan yahay in la raaco rabitaanka Shacabka ku nool Gobolka Jubada Hoose sidoo kale waxaa uu sheegey in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas aysan marnaba aqbali doonin wax aan ka ahayn Dowlada Federaalka iyo Ciidamada Amisom.
“Baarlamaanka waxan ka Codsanayaa in arrinta Kismaayo Miiska la soo saaro Qariidadeeda Miiska la soo saaro islamarkaana Madaxda Dowlada ay kala Cadeeyaan Kismaayo ma Magaalo Soomaaliyeed baa mise waa Magaalo ka tirsdan Dalka Kenya”ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa oo sheegey in shacabka ku nool Gobolkaas aysan marnaba qaadan doonin Maamul kor looga keeno.
Prof Dhalxa oo u waramayey Warbaahinta Gudaha ayaa uga Digey Dowlada Kenya in ay Kismaayo ka sameyso maamul aysan ka warqabin Beelaha Dega Gobolkaas isagoo sheegey in Gobalka ay Degaan Qabaa’il Fara badan kuwaas oo uu sheegey in labaatankii sanno ee la soo dhaafey aysan helin Maamul ku shaqeeya Rabitaankooda.
Ugu Dambeyntii Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa ugu baaqey Shacabka ku nool Gobolka Jubada Hoose in ay ka hortagaan in Gobolka uu gacanta u galo Dad aan Soomaali ahayn kuwaas oo uu sheegey in ay doonayaan in Gobolka Gumeystaan , sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Dowlada Kenya in ay faraha kala baxdo Qaddiyada Magaalada Kismaayo islamarkaana ay ku shaqeyso Go’aanada ka soo baxa Dowladda Federaalka
Dhinaca Kale Xildhibaan Cabdullaahi Shiikh ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa ka hadlay xaaladaha iminka ka jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose. Xildhibaanka ayaa Xukuumadda Kenya ku tilmaamay inay tahay mid u taagan dooneysana in ay goosato Gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliya isla markaana ay doonayso in ay isku ballaariso Gobolka Jubada Hoose.
Xildhibaanka ayaa ka digay Colaad mar kale laga huriyo Geeska Afrika isagoona sheegay in dawladda Kenya ay iminka ka shaqaynaysa sidii halkaas Dagaal saameeya Gobolka uu uga dhici lahaa.
Xildhibaan Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa sii raaciyay in loo baahan yahay in Xukuumadda Kenya ay faraha kala baxdo arrimaha gudaha ee Soomaaliya isla markaana Dawladda Soomaaliya loo daayo wixii maamul u samayn ah ee Goboladaas loo soo dhisayo.
Si kastaba Xukuumadda Kenya ayaa waxaa si weyn loogu eedeeyaa inay faraha kula jirto arrimaha maamul u sameynta Gobolada jubbooyinka iyadoona la sheego inuu jiro maamul ay si gooni ah u taageerto doonaysana inay halkaa ka dhisto.
Dhawaan ayey ahayd markii wafti ka socda Dawladda FS laga celiyey Kismaayo, arrintaas oo laga waraysatay Wasiirka Dalxiiska ee dalka Kenya, Dansa Muwansa, ayaa sharaxay sababta waftiga dawladda Soomaaliya looga celiyey Kismaayo, waxana laga sooo xigtey in uu yiri “Dawladda Soomaaliya haddii ay Kismaayo Wefti u soo direyso waxa loo baahnaa inay nagu soo wargeliso ka hor intaanay tegin meesha.”
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk