Ka dib Shan Sanadood oo ay Dadka ku Dhaqan Wilaayaadka Islaamiga ah ay ku Hoos noolaayeen Shareecada Islaamka ayaa Waxaa soo wajahay dhibaatooyin kaga imanaya Ciidamada Gaalada iyo kuwa Dowlada Federalka ah kuwaasi oo Dhibaatooyin Isugu jira Dhac, Dil iyo kufsiba isugu Daray .
Magaalada Muqdisho waa Meesha ugu Badan oo ay ka taagan tahay dhibaatada ,Hablaha Muslimaadka ah Ayaanan Wadan Karin Xijaabka Sharciga ah Waxaana Magaalada ay isku Badashay Meel lagu Daawado Aflaamta Xun laguna Dhageysto Heesaha.
Dumar badan ayaa waxa ay Gocanayaan Maamulkii islaamiga ahaa ee wilaayada Banaadir ,waxaa Halmaalin oo Qura la Kufsaday Saddex Gabdhood kuwaasi oo ku sugnaa Xaafada suuqa Xoolaha Degmada Heliwaa waxayna ahaayeen Gabdho Walaalo ah Dad Goob joogayaal ahaa ayaa waxa ay sheegeen in ay la joogtay Hooyadood -Gabdhaha -Balse wax way ka qaban weyday waayo Qori ayaa loogu Handaday .
Sidaasi oo kale Gabdho Badan ayaa waxaa lagu kufsaday Degmooyinka kale ee Magaalada Muqdisho .
Tiro koob ay Sameysay Hey,ad u dooda Xuquuqda Dumarka kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Barta interneydka ku leeyahay Tv-ga Al-jazeera u sheegeen in Dumar Badan lagu Kufsaday Magaalada Muqdisho, waxaana warbixintaa lagu sheegay Labaatankii Sano ee lasoo Dhaafay in ay aad u Badneyd kufsiga lagu hayay Dumarka Soomaalida ,inta ugu Badan kufsiga waxaa Geysta Ciidamada Dowlada Kuwaasi oo aan La heyn wax akhlaaq ah Sababtoo ah waxa ay isticmaalaan Maan dooriyaha waxaana Shaqadoodu tahay Wax yaabaha ka dhanka ah Shareecada islaamka.
Wariye ka tirsan tv-ga oo la kulmay Dad kala Duwan kuna dhaqan magaalada muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in Xitaa la fara Xumeeyay Gabdho aad u da,yar Sida uu sheegay Xasan Axmad Cali oo ah Aabaha Gabar Sideed Sano Jir ah oo ay Kufsadeen Ciidamada DF-ka waxaana jirin Cid wax ka Qabaneyso Arinkaaasi .
Sidaa si la mid ah Magaalooyinka Beydhabo ,Xudur Baladweyn iyo Kismaayo waxaa iyagana lagu Dhibaateeyaa Dumarka Muxajabaadka ah Waxaa ugu Danbeeyay Fal kufsi ah oo ay ku Dhaqaaqeen Ciidamada Maleeshiyada Axmad Madoobe Kuwaasi oo Magaalada Kismaayo ku fara Xumeeyay Gabar Muxajabad ah Taasi oo markii Danbe Laga Helay Xaafadaha Magaalada Kismaayo waxaana isbitaal lageeyay iyada oo Garaab ah.
Wadada isku Xerta Muqdisho iyo Marko ayaa iyana waxa ay noqotay meel bahalo Galeen ah ,waxaa joogto ka noqday Dhaca iyo kufsiga ay Geysanayaan maleeeshiyaadka DFka kuwaasi oo Rakaabka Gaariga kusoo Raaco in ay Dhaafinayaan Isbaarooyinka ay joogaan Ciidanka Kale Balse waxa ay Leexsadaan Gawaarida iyaga oo ka Qaata lacagaha iyo Taleefanada Kufsadana Dumarka Muslimaadka ah ee Saaran gawaarida.
Iyadoo ay Jiraan Dhibaatoooyinkaasi ayaa Waxaa ka hadlay Culumada Diinta Islaamka ee ku Dhaqan Wilaayaadka Islaamiga ah, Sheekh Abuu Cabdalle Mustafa As-salafi oo ka Mid ah Culimada Diinta Islaamka Ayaa waxa uu ka hadlay Dhibaatada lagu Hayo Dumarka waxa uuna sheegay in Xiligii Nabiga (SCW) Niman Yuhuud ah ay Marada ka Qadeen Gabar muslimad ah, arinkaa Markuu Nabiga Maqlay Waxa uu Talaabo ka qaaday Dadkii Sameeyay falkaasi xun.
Sidoo kale Gabar Muslimad ayaa La Dhibaateeyay Xiligii uu Amiirka Muslimiinta ahaa Muctasim Bilaah ,Gabadha ayaa waxa ay ku Dhawaaqday وا معتصماه.
Muctasim markuu Maqlay oraahda Gabadha waxa uu Diyaariyay Ciidan Badan si ay Talaabo uga Qaadaan Gaalada waxaana Dhacday Maalintii Camuuriya Taasi oo loogu Gargaaray Gabadha Muslimada aheyd .
Sheekha ayaa waxa uu sheegay in soomaalidii Hore ay ahaan jireen kuwoo aad u dhowro Dumarka Balse waxa uu sheegay in Hada aysan jirin wax u gurmanayaa Gabdhaha Maalin walbo ku Dhawaaqa Oraahda ah Waa muctasimaah Waa islaamaah.
Isku soo wada duuboo Jawaabta ayaa waxa ay Noqoneysaa Gabdhahaasi waxaa loo Beegsadaa in ay Aqbaleen Qowlka Allah Kaasi oo ahaa in ay Qaataan Xijaabka Sharciga ah.
W/D Xassan Cali.