Ganacsatada danyarta suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxay kacabanayaan dhibaatooyin ay tilmaameen inay si joogto ah kala kulmaan Maleeshiyada DF kula kacaan.
Ganacsatada Bakaaro waxay sheegeen in lacago baad ah laga qaado islamarkaana kuwa danyarta laga burburiyo goobahooda ganacsi halka kuwo Gaari Gacamada ku shaqeysta laga daadiyo badeecooyinka kala duwan ee u saaran gaadiidka gacanta sida Dharka, Kabaha iyo Raashiin Bisil oo cunooyinka fudud ah oo dadkaasi nolo maalmeedkooda ka raadsada.
“kuwan Ciidanka la leeyahay waa mooryaantii oo is aruursatay iyo kuwo lagu soo tababaray dalal shisheeye si ay u dhibaateeyaan dadka Masaakiinta ah” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo sabab amaan uga gaabsaday magaciisa.
Maleeshiyaadka dowladda in ay dhac iyo baaritaano kula kacaya dadka rakaabka ah ee saaran gawaarada Bl-ka ah ee u kala gooshaya Muqdisho iyo Afgooye.
Marar badan ayaa Darawalada ka dhex shaqeeesa inta u dhaxeesa magaalada Caasimada ah ee muqdisho iyo Degmada afgooye ee gobolka shabeelada hoose waxa ay sheegeen in dhibaato ay ku hayaan rag ku labisan dareeska dowladda oo lacago sharci daro ah kaga qaada wadadaasi mana jirto wax mas’uul ah oo dowladda ka tirsan oo ka Hadley cabashada ka soo yeereysa Darawaladda BL leyda ah .
Barakacayaasha danta yar ee ku dhibaateesan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka cabanayaaan barakicin hor leh oo iminka lagu hayo taasi oo ay sheegeen in uu ka danbeeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan.
Barakacayaashani ayaa waxa ay madaxda ugu sareysa dowladda ka codsadeen in ay ka hortagaan barakacinta ay sheegeen in uu ku hayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqda Muqdisho Tarsan, madaama sida ay tilmaameen aysan aqoon meel ay dagaan.
Maalmihii danbe ayaa waxaa isi soo tarayay cabooshin kala duwan oo ka soo yeeraysay Ganacsato, barakacayaal iyo dadkale kuwaasi oo guddoomiye Tarsan ku eedeeynayay in barakacin iyo hatin duudsiin.
Banaabaxan oo ahaa mid cabasho ah isla markaana ay dhigayeen ganacsatadii hore ee Bacadlaha ee Xamarweyne ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho .
Ganacsatada Banaabaxa dhigayey ayaa waxa ay si weyn banaabaxooda uga cabanayeeen Godoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu wado Iibsashada Bacadlihii hore Ee Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir .