Waxaa magaalada Moqdishgo ka taagan fadeexado aan hore loo arkin,waana dagaal cusub oo lagula jiro Diinta Islaamka iyo dhaqanka Somaliyeed ee nadiifka,waana qorshe mar hore loo keenay haweenka Somaliyeed in guryaha looga soo saaro,kuwaas oo ilaah abuurtay ku sharfay inay guriga jiraan.
Waxaa dadku la yaabeen markii mahiiga meel walba geeyay habalaha Somaliyeed laakin waxaa markan goog joog ah xarunta Xalane oo dumarka ka geeyay dad klagu ogaa inay culmo diin yihiin sida Cali Wajiis oo hore si indho la’aan ah taageero u siiyay Dastuurka Mahiiga ee Qabyo Qoraal,kaaso intiisa ka badan ka hor yimid Quraanka iyo Sunnada.
Sidoo kale, madaxa xafiiska jinsiga ee AMISOM, Mane Axmed oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa kulanka ka sheegtay in kulankaan ay ugu talogaleen inay haweenka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyaan inay kaalin mug leh ka qaataan hoggaaminta iyo siyaasadda dalkooda.
“Haweenka Soomaaliyeed waxaa la yiraahdaa waa kuwo wanaagsan, balse si weyn ugama dhex muuqdaan siyaasadda iyo hoggaaminta dalka, kulankaan waxaan ugu talogalnay inaan haweenka Soomaaliyeed ku xoojinno si ay kaalintooda u qaataan,” ayay tiri Mane Axmed.
Dood looga hadlayay kaalinta haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo hoggaanka dalka ayaa la qabtay intii uu kulanku socday, dooddaas oo ay daadihinaysay Nafiso Geeddi Santuur, waxaana ka qaybgalay, Faadumo Cabdullaahi Insaaniya, Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Wajiis), xildhibaan Maxamed Amiin iyo Maryan Yuusuf.
Xubnaha doodda ka qaybgalay ayaa waxay isku raaceen in caqabadaha ka haysta haweenka Soomaaliyeed inay kaalimaha hore ka galaan hoggaaminta dalka iyo siyaasadda ayay ku sheegeen dhowr qodob oo ay ka mid tahay aqoon-darro iyo beelaha Soomaaliyeed oo aan aamisanayn in haweenku wax hoggaamin karaan.
“Haweenka waxaa loo qoondeeyay inay 30% ku yeeshaan baarlamaanka taasna ma dhicin oo waxay hadda ku leeyihiin 14%, balse niyad-jabkaas waxaa naga mayray markii haweenka Soomaaliyeed laga siiyay golaha wasiirrada 20%,” sidaa waxaa tiri Faadumo Insaaniya oo la weydiiyay su’aalo ku saabsan caqabadaha haweenka ka hortaagan inay hoggaaminta iyo siyaasadda kaalin weyn ku yeeshaan.