Dhawaaqa Baadari Museveni Muxuu Salka Ku Hayaa?, Suldaan Maxamed Garyare. (Akhri Taariikh Muhiim ah)

DHAWAAQA BAADARI MUSEVENI MUXUU SALKA KU HAYAA?

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

 

Aniga oo aan inkirsaneyn in walaalo badani qalinka u qaateen inay cabiraan dhawaaqa Yuweri Museveni, ayaan haddana waxaan rabaa inaan cabir taariikhi iyo mid siyaasadeedba saaro qaylo dhaanta ka soo yeertay cammilkaan madow ee Museveni.

Sida caadada u ahba reer Galbeedka, kuwooda gaalada ahi, markii aay muuqato in uu dhammaaday wakhtigiisii midkii aay ku shaqaynayeen ha ahaado mid la diin ah ama mid hobowsan oo Muslim sheeganaya, waxaa soo shaacbaxda (pretext), in ceebo iyo eedaymo aay iyagu horey u galiyaan u baarbaaraan, si loo sharciyeeyo amase loo xalaashado in dambi lagu soo oogi karo markii la doono.

Maantana mindidii waxay dulsaaran tahay Baadari Museveni oo u muuqda mid haruubkiisii buuxsamay, lama huraana aay tahay inuu mari doono jidkii aay mareen raggii isaga qaar ka horeeyey qaarna ka dambeeyeen, sida  Mobutu Sesaseko, Charles Taylor, Laurent Kabila, Laurent Koudou Gbagbo iyo kuwo kale oo dambi sugayaal ah haddana ummadda Muslimiinta iyo kuwaa aan ahaynba dhib weyn oo luggooyo ku haya loona soo adeegasaday sida kuwaan aan soo xusay.

Taariikh ahaan Jabhaddaan M23, ee Museveni lagu eedeeyey inuu taageero, lana aaminsan yahay inay liddi ku tahay nabad ku soo dabbaalaidda Jamhuuriyadda Congo maxay tahay?

Sidaad kawada dheregsan tihiinba dalka Uganda waxaa soo marey dagaalo aad u dheer oo ahli ah kadib qaadashadii xoriyadda ee 1963kii uu Ingiriiska ka xoroobay, waxaa soo marey ilaa tiro dhan afar(4) madaxweyne marka laga reebo boqorkiiBugandhaha oo uu Ingiriisku xukunkii dalka kaga tagay.

Museveni xukunka wuxuu kala wareegay isaga iyo jabhaddii National Rasistance Army (NRA),oo madaxda u yahay, General Tito Okello, oo muddo sanad ka yar ka talinayey Uganda.  Museveni iyo jabhadiisuba waxay kaalmo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka heshay reer Galbeedka, Mareykan iyo Ingiriis, waxay kaloo kaalmo ciidan iyo hiil qaraabanimo ka heshay qowmiyadda degta xadadka Jamhuuriyadda Congo, Rwanda, Burundi iyo Uganda, lana yiraahdo Tutsiga, qolada uu Museveni ka dhashay ee la yiraahdo Miyarwandhahana waxaa la aaminsan yahay inay Tutsiga dhalsho iyo dhareer wadaagba yihiin hiil iyo isu gurmashana ka dhaxayso.

Eedeynta Museveni lagu eedeeyey inuu gacan weyn siiyo jabhadda M23, waa wax xaqiiq ah waxaa gobolka Afrikada Dhexe (Central Africa), ka jiraa siraac ama tartan qowmiyadeed siyaasadna ku salaysan oo u dhexeeya qowmiyadaha xoolo raacatada ah ee oo la yaqaan Nilotic, Tutsiga iyo Mayarwandhuna ka mid yihiin iyo qolyaha kale ee beeralayda ah lana yiraahdo Bantuuuna badan gobolkaa laysku hayo.

Jabhadda M23 waxay u daggaalantaa xuquuqda dadka Tutsiga ah ee deggan Jamhuuriyadda Congo waxayna aaminsan yihiin inay iyaguna xukunka Congo lawareegaan sida Nilotiga kale uu ula wareeegay Burundi, Rwanda iyo Uganda oo aay iyana aaminsan yihiin inay isku qolo yihiin.

Joseph Kabila oo ah ninka hadda madaxweynaha ka ah Jamhuuriyadda Congo oo ka mid ah ragga hadda lagu shaqeeyo ka dib markii meesha laga wareejiyey aabbihii, waa Laurent Kabila, markuu shaqadii loo idmaday qabtay ayaa eedeynta Museveni loo haysto ka hor akhriyey waxa loogu yeero Golaha Ammaanka (Security Council), laakiin aan anigu u aqaan Golaha Shaydaanka iyo Sharta.

Warqadaa Kabila loo dhiibay ee xambaarsaneyd eedaynta Museveni oo isagu si la mid ah Soomaaliya ciiddamo calooshood u shaqystayaal ah u direy dalka Jamhuuriyadda Congo ayaa waxa eedaynta lagu yiri waxay ciidamadiisu xasuuq ba’an ka gaysteen Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Congo, waxayna kaalmo militari iyo mid dhaqaalaba siiyaan Jabhadda ku kacsan dowladda Jamhuuriyadda Congo , oo Museveni wuxuu ka soo horjeeda dadaaladda nabadda ee Beesha Caalamku waddo.

Hadalkaasoo u dhigma iyadoo kuwa Xamar jooga ee iyaguna camiiliinta ah intay golahaa aan sheegay geeyaan eed taa la mid ah iyagoo ku andacoonaya in Museveni iyo ciiddamadiisa calooshood u shaqaystayaasha ahi aay xasuuq ba’an ka geysteen Soomaaliya taageerana siiyaan Al-Shabaab.

 

Museveni wuxuu ka mid ahaa rag dhowr oo xilligii Bill Clinton, madaxweynaha ka ahaa dalka Mareykan la rabay in dib loo cusbooneysiiyo gumeysiga Afrika, wuxuuna hormuud ka ahaa isaga iyo Zenawigii bakhtiyeyba mashruuc la oran jireyKhariidadda Cusb ee Africa (New Map in Africa). Labadaa baadariba waxaa loo wakiishay Bariga iyo bartamaha Afrika.

Museveni ma awooda inuu ciidamo kala baxo labada dal ee uu ciiddamada u direy, sababtoo ah awood dhaqaale oo uu kula baxo ma hayo oo awalba ma keenin isagu oo qolada uu xarbu wakaalaha (proxy war) u wado ee reer Galbeedka ayaa keentay haddana mushaharka iyo baahida kaleba daboosha, midda labaad siyaasiyan ulama bixi karo, waayo isaga iyo cid walba waxa siyaasiyan laga xukumaa golihii aan soo xusay oo cid ka hor imaan kartaa ma jirto marka laga reebo cidda keliya ee Alle (swt) ku xiran isaguna waaba baadari aan Alle aqoon.

Haddaba dhawaaqiisu wuxuu la mid yahay mid geeri sugaya oo la’ meel uu u ciirsado waxaana la joogaa xilligii kuwa rabbiga isaga u ahi aay shaqo ka qaban lahaayeen waana arrin go’aan laga qaatay,  waxaaba isweydiin mudan inuu yahay mid meesha ku daahay oo intaaba inuu sii joogo maaheyn nin loo taliyo,

mana muuqato cid gobolka deggan oo gacan siin karta, sababtoo ah dhammaan waxay qabaan in ninkani gobolka ku qaan gaarey madaxda kale ee Afrikada Bari iyo tan dhexebana uu isagu Sayid isaga dhigay amase uu u madaxweyn yahay maadaama uu muddo lix iyo labaatan sano ah (26) kursiga xaaraanta ah ku fadhiyey howl dambe oo looga fadhiyaana aayan jirin lana helayo camiiliin cusub oo dhega fudud xukunkana baahi badan u qaba.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)