(DHAGEYSO) Suufiyada”Qabuurigaleenka” Gobolada Dhexe oo xiray Masaajidyo iyo dugsiyo Quraan deeganada ay ka taliyaan sida Guriceel!!

Waxaa dhawaanahaan soo baxayay warar sheegaya in Suufiyada”Qabuurigaleenka” Gobolada Dhexe  gaar ahaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guri ceel ay bilaabeen inay xiraan Masaajidyada ku yaalla deeganadaas.

Cali Sheekh Maxamuud waa Guddoomiyihii hore deegaanka Guri ceel waxaa uu sheegay in La xiray oo irdaha  la isugu dhuftay Masaajido badan oo ku yiilay deegaanka Guri ceel iyo Dhuusamareeb.

Wuxuu intaas ku daray in labo masaajid oo ku yiilay Magalada Guriceel la xiray iyadoo sidoo kale la xiray dugsi quraan ku yiilay deeganadaas.

“Masaajidyo badan aya la xiray oo ku yaala dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay ugu dambeeyen labo Masjid oo Guriceel ku yiilay oo la xeray 5-ta bishan November” ayuu yiri Cali Sheekh Maxamuud Gudoomiyihii hore Guri Ceel.

Halkaan ka dhagayso Codka Ex-Gudomiye Cali Sheekh Maxamud

Maleeshiyaad ka tirsan Maamulka ka taliya Deeganada Guri ceel ayaa la sheegay inay dusha kaga xireeen inka badan 70 qofood oo ku dukanayay masaajidkaas.

Masaajidyadii ugu dambeeyay ee la xeray ayaa lagu kala magacaabi jiray Masjidka Macalin Xuseen Qeys oo mudo ka badan 40 sanno ka dhisnaa degaankaas  iyo masjid kale oo lagu magacaabi jiray Beder ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee la xeray.

Si kastaba ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka lagu eedeyay inay masaajidyadaas xireeen.

XIGASHO Madiina.net