Amisom ayaa dib ugu noqoneysa difaacyadii gobolka Banaadir oo ay horay u joogi jirtay ka dib caqabado kala duwan oo soo foodsaaray iyo Tarsan oo ogaaday inow ka socdo gobolka Banaadir ka dib fadeexadii Bacadlaha Xamarweyne oo weli taagan!!

Taariikhda ayaan ka baranay in si lama filaan ah wax isku bedelaan,dadka yaqaan arimaha dagalaada ayaa hore u sheegay in amisom soo wajihi doonaan xaalado kala duwan oo aysan u dulqaadan doonin,xaqa dhulka,dadka,isku socodka,cimilada la joogo aad ugu duwan Moqdisho iyo meelaha ku dhow,waxaa kale oo caqabad ku noqday dagaalka aan dhamaadka lahayn oo la galayaan raga ay is hayaan ee XSHM oo taageero kordhaysa ka haysta shacabka Somaliyeed.

Shabeelada hoose iyo Balcad ayaa la sheegaya inay maalmahan soo socda dib uga noqon doonaan,Amisom gaar ahaan Ugandha ayaa hada ogaatay inay banaanka ka tahay xaaladaha Somaliya ka socda,waxayna dareemaysa culays ka haysta dhinac walba gudaha iyo dibada.
Waxaa kale Uganda ogaatay inay Kenya iyo Itoopiya  u howl yareysey inay joogaan ama haystaan Kismaayo iyo Baydhabo,kuwaas oo is diidan oo aan is rabin laakin dhamaan heshiis ku ah in Somali loo diido inay Kitaab Ale u xukun tagaan xalka noloshana helaan.
Waxaa kale oo meesha ka baxay Jeneral Goordan oo lafdhabar u ahaa dagaalkii Shabeelada hoose lagu qaaday,waxaana Shabaabku ku dileen jidka u dhaxeeya Afgooye iyo Marka.
“Dagaal oo dhan wuxuu dhib ku yahay ninka soo duulay”
Maxamud Tarsan ayaa la sheegaya inow waynayo kursiga gobolka Banaadir ka dib fadeexadii Bacadlaha Xamarweyne oo weli la isku haysto,xisbiga Xasan Sheekh e Dam Jadiid ayaa shegayanaya inay iyago leeyihiin kursiga.
Banaadir Post.