Mid kamid ah Wafdigii ka socday Dowladda Soomaaliya ee loo diiday magaalada Kismaayo Ciidamada Kenyana ay Airaboorka Kismaayo kasooceliyeen oo lagu magacaabo Salaad Cilmi Axmed ayaa Warbaahinta uga warbixiyey wixii halkaas kasoo qabsaday, Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho shalay galinkii dambe wuxuuna sheegay in ay Airaboorka Kismaayo kula kulmeen Sargaal Afka Soomaaliga ku hadlaya laakiin kamid ah ciidamada Kenya oo magaciisa uu ku sheegay Xassan Cali,Isagoo u sheegay in gudaha magaaladana waxaa joogay buu yiri xilligaasAxmed Madoobe iyo Rag kale,
HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CALAACALKA SALAAD CILMI OO QIRAYA IN KISMAAYO AY KENYA XUKUNTO.
KISMAAYO:- Salaad Cilmi Axmed oo kamid ahaa, Waftigii Kismaayo laga soo cayriyey, shalayna galinkii dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Idaacadda BBC waraysi siiyey, wuxuuna sheegay in uu ogaaday Kismaayo in ay gacan gumaysi ku jirto. Waxaa hadalada Salaad kamid ahaa, “Saraakiil Soomaaliya ma aanan arag, saraakiil Kenyan ah oo calaamaddii Amisom aan wadan oo Calankii Kenya wata kaliya, ayaan aragnay”
Wuxuu kale oo uu yiri Salaad, “Kenya haddii ay Amisom kamid tahay, waxay ixtiraami lahayd, Sargaalkii Amisom,General Cismaan Subagle oo si kasta ula hadlay, waxaan aamisan nahay Kismaayo in ay gumaysi ku jirto!”. Qabiilada Soomaaliyeed intay is leeyihiin wax kala badsada oo Federaalka wuxuu dan ugu jiraa ciddii dagan Gobolada Soomaaliya intooda badan ayey cadow gacanta u galiyeen.
Nin sheegtay Afhayeenka ciidamada Soomaalida ee horgalka u ah ciidamada Kenya, ayaa u hanjabay, maamulka Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan waxba kadhagaysanaynin. Waa iska caddahay Kismaayo qaab Qabiil in la iskugu haysto, Daarood iyo Hawiye aan gacanta waxba ugu jirin ayaa isku haysta. Waatii Faarax Macalin lahaa, maalintii loo sacabinayey, “Kulbiyow Muqdisho looga talin maayo, Ninka saas ku riyoonaya Qarnigaan ma noola ee Qarni kale ayuu ku nool yahay!”
Dhagayso Faarax Macalin Riix MP3
Faroole, Abdi Ilay, Yuusuf Xaaji, Seeraar, Axmed Madoobe, Faarax Macalin iyo qurbajoogta qabyaalada ugu sacabinaysa ciidamada Kenya, waxaan ogaan doonnaa Mustaqbalka dhow, ayaguna waxay ku hadlaan!.
Waraysiyada ay isku weerareen BBC Ka Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Isha Maqalka BBC Somali