Baarlamaanka Mahiga, Halistiisu Badanaa!!. (Maqaal) Qore C/fitaax Filibiin.

Duullaanka lagu soo qaaday diinteena iyo dalkeena ayaa waxaa qeyb ka ah Baarlamanka fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Haddaba inta anan u galin halistiisa ayaa waxaan jeclahay in aan hourdhac ka dhigano nidaamka uu ka tirsanyahay ee la yiraahdo Dimuqraadiyadda.

Boqoradii adduunka soo maray waxay adeegsan jireen laba hub oo ay shacabka ku maamulaan, kuwaasoo kala ah  lacag iyo xarig.

Tusaale ahaan: markuu boqorku doonayo in jid la dhiso, wuxuu shacabka ku oran jiray, “jidkaasi hala dhiso, qofkii wax ka dhisa waxaan siinayaa lacag, kii diidana waan xirayaa”.

Iyadoo sidaasi shacabku ugu cabiidsanyihiin ayaa wuxuu arkay nin kale oo boqortooyadiisa kamid ah oo aan ul iyo lacag heysan, lakain dadku ay dhageysanayaan oo wuxuu yiraahdo ay fulinayaan.

Nninkaasi waa wadaad, wuxuu oranayaa Allaah baa yiri’ sidaa darteed boqorkii baa wuxuu dareemay boqortooyo kale oo ka garab dhisan, wuxuuna go’aansaday in uu labadiisa hub u isticmaalo wadaadka, si uu isaga iyo dadka ugu dhexeeyo.

Tusaale: markuu boqorku doonayo in jid la dhiso wuxuu u sheegayaa wadaadka, wadaadkuna wuxuu dadka ku oranayaa “xalay baa la ii soo waxyooday Allaah wuxuu idin leeyahay jidka hala dhiso”, shacabka oo dhan wey dareerayaan jidka ayeyna dhisayaan.

Sidaa ayey ahaayeen boqortooyooyinkii Romaanka ee qadiimka ahaa, illaa iyo haddana cilaaqada ka dhaxaysa caalamka iyo boqorku waa taa, Xassan Sheekh Maxmuud iyo wadaada hoos jooga taas baa ka dhaxaysa, Somaliland iyo wadaadada u shaqeeya taa ayaa ka dhaxaysa, Puntland iyo wadaadadeeda sidoo kale.

Tusaale yar: Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bishii lasoo dhaafay damcay in uu shacabka ka hor istaago bannaanbax ay uga soo hor jeedeen aflagaadadii Mareykanka loogu geystay Nabigeena Muxamad SCW.

Xassan oo garwaaqsan waxa ay shacabku ka aaminsanyihiin iyo sida aaney ugu suuragali Karin in uu hadal ama awood ku joojiyo mudaharaadka ayaa waxa uu isticmaalay wadaadadiisa.

Sh/Bashiir Axmad Salaad iyo Sh/Nuur Baaruud Gurxan ayaa idaacadda soo fariistay, waxayna dadka u sheegeen in aysan diintu qabin dibad baxa ay qaban qaabinayaan, taasoo keentay in dadku ka baaqsadaan soo bandhigidda shacuurtoodii ay ku difaaci lahaayeen suubanaheena Muxamad NNKH.

Arintan waa sheeko gaar ah oo u baahan in si gooni ah looga hadlo, laakin aan usoo laabano qisadeenii boqorka iyo wadaadka.

Ninkii waxaa maalin maalmaha kamid ah uu boqorku u sameeyay boqortooyo yar iyo xoogaa ilaalo ah, lacag mushaar ah ayuu u qoray, wuxuuna ka dhigay ninka dadka ugu sarreeya.

Sidey xaaladu muddo saa u ahayd ayaa waxaa daciifay boqorkii, isagiina wuu xoogeystay oo wuxuuna halkaasi ka helay fursad aad u ballaaran.

Maadaama ay shacabku u dhaga nugulaayeen hadalkiisa ayaa waxa uu maalin maalmaha kamid ahi ku yiri’ “boqorkan halaga rido xukunka”.

Shacabkii hal mar ayey kursigii ka tureen boqorka, isagii ayaana isku noqday labadii suldadood, tii boqorku lahaa iyo tiisii wadaadnimo.

Yurub markaasi waxay gashay casri cusub oo aad u adag, xaaladu waxay gaartay in la yiraahdo, qof fakari karaahi ma jiro, qof talin kara ma jiro, qof wax soo jeedin kara ma jiro, qof ra’yi keeni kara ma jiro, wixii madaxda khilaafsanna diinta ayaa diidan.

Waxaa dhacday in marka lacag la uruurinayo dadka lagu khasbo qof walba inuu keeno shan meelood marka loo qeybiyo xoolihiisa, afar meelood iyo bar.

Tacadi ayey sameeyeen, diintooda ayey taxriifiyeen oo waxay ku xireen dhaqaale.

Shacabkii ayaa aad u dhibtooda, iyadoo xilligaasi oo ku aadanaa qarinyadii dhexe ay xadaaradda islaamku gaartay meesha ugu fog.

Waxaa dhacday in dadkii ay la qaxeen culeyskii faraha badnaa, dhicii, booobkii iyo tacadigii lagu hayay, waxaana halkaasi ka dhasahay nidaamka la yiraahdo Al-calmaaniyah.

Shacabkii waxay soo jeediyeen in loo kala saaro diinta iyo dowladda. فصل الدين عن الدوله

Waxay yiraahdeen qofka wuxuu doono ha caabudo, masjidkiisa ha galo, kaniisaddiisa ha galo, wixii siyaasad iyo xukun ku saabsanna shacabka ayaa iskaleh. “ما لله لله ,وما لقيصر لقيصر

Dimuqraadiyaddu halkaas ayey ka timid, waxayna u qeybsantaa  Laba kalmadood oo kala ah “Shacab iyo xukun” taasoo micnaheedu yahay “xukunka shacabka ayaa iskaleh”.

Dimuqraadiyaddu waxay leedahay aas aas. Baarlamaanku waa sharci dajiyaha Dimuqraadiyadda.

Baarlamanku micno ahaan waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa  “المجلس التشريعي” oo micnehiisu yahay  (sharci dajin) ingiriisigana waxaa lagu yiraahdaa “Legislative body”.

Isaga ayaa wax kuu xalaleynaya, sidoo kalana kaa xaaraantinimeynaya.

Ingiriiska ayaa waxa uu Baarlamaanku u yaqaanaa magaca kale oo ah “House of Lords” oo micnihiisu yahay (gurigii Ilaaahyada).

Horudhacan waxaan usoo qaatay inaaney isaga keen dhex darsamin baarlamaan iyo shuuro.

Baarlamaanku Muxuu Qabtaa?

 

Wuxuu qabtaa laba shaqo, tan koowaad wuxuu dajiyaa siyaasadda, sharciga iyo nidaamka la isku maamulayo.

Wax walba waa loo codeynayaa, tusaale ahaan: maxaanu ka yeelnaa khamriga? laba nin ma is guursan karaan? gacant ayaa la taagayaa, meeshii loo bato ayaana la raacayaa, xalaal iyo xaraan intaba.

Haddii loo bato in khamrigu xaaraan yahay, lama oranayo Allaah ayaa xaaraantinimeeyay ee waxa laleeyahay Baarlamaanka ayaa xaaraantinimeeyay.

قال تعالي : (ولا يشرك في حكمه احدا. قال تعالي: ان الحكم الالله امر الا تعبدو الا اياه. وقال ايضا: افحكم الجاهلية يبغون ومن احسن من الله حكما لقوم يوقنون. وقال ايضا: اتخذو أحبارهم ورهبانهم اربابا من دون الله…وقال تعالي ايضا: ام لهم شركاء شرعو لهم من الدين ما لم ياذن به الله)…

Nusustan iyo kuwa kale oo aad u badan oo isugu jira aayado Qur’aan iyo Axaadiith ayaa waxay inooga digayaan in aan sharci ka yeelano mid aan ahayn kan Allaah.

Yaa Allaah agtiisa uga wanaag badan, qoom ku dhaqmay oo yaqiinsaday sharcigiisa?.

Dhowr jeer ayaan anigu warar kasoo tabiyay Baarlamaanka, hase ahaatee sannadku markuu ahaa  2009 ayaan joojiyay, kadib markii nin sheykh ah uu igu dul aqriyay aayad cajiib ah oo inaga mamnuuceysa in aan xaadir ahaano goob lagu kufrinayo ama lagu jees jeesayo aayaadka Allaah, waxay aayadaasi sheegeysaa, cidii aanan isaga tagin goobtaas in ay lamid tahay kuwa ku jees jeesay aayaadka Allaah.

قال تعالي :  (وقدنزّل عليكم في الكتاب ان اذا سمعتم ءايات الله يكفر بها ويستهزء بها فلا تقعدو معهم حتي يخوضوا في حديث غيره انكم اذا مثلهم ان الله جامع المنافقين والكافرين في جهنم جميعا).

Hawsha labaad ee uu Baarlamanku qabto waxay tahay, inuu usoo jeedo ama uu ilaaliyo in la fuliyay sharcigii uu dajiyay iyo in kale.

Shuurada iyo Baarlamaanka

 

Baarlamaanada ay gaaladu u dhiseen shucuubta muslimiinta caalamka ayaa waxay dadka caamada ah ku khaldaan in ay yihiin Gole shuuro.

Haddaba sidaa darteed ayaan jeclahay in aan arintaasi ka iraahdo inta uu Allaah iga garadsiiyo.

Shuuradu waa xukmullaahi tacaalaa, halka Baarlamaanku, jideynayo in xukunka shacabku leeyihiin.

Shuuradu waa Ijtihaad, waxayna timaadaa marka laga hadlayo mawaadic aan nas kusoo aroorin, laakin Dimuqraadiyaddu waa ha yaacdo.

Waxaa tusaale inoogu filan dhacdadii magaalada Hargeysa gaar ahaan ninkii Jarmalka ahaa ee intuu gabdhaha Soomaaliyeed ka Zineystay, haddana filimka ka duubay.

Markii maamulka Somaliland qabteen ninkaasi dambiilaha ah, waxaa gar siisay dimuqraadiyadda, waxa uu ku dooday in faaxishadiisa ay caadi ka tahay dhinaca dimuqraadiyadda, maamulka meesha ka taliyana uu yahay dimuqraadi, sidaa ayaana lagu sii daayay, isagoo xor ah oo aanan wax eed ah loo heysan.

Waxaa kale oo tusaale inoogu filan hadalkii Ban ki-moon uu ka jeediyay shirkii midowga afrika ee horaantii sannadkan lagu qabtay magaalada Aid-ababa, kaasoo madaxda Afrika ku dhaliilayay in aysan wali hir galin dimuqraadiyadda saxda ee ah in ay isguursadaan raga, dumarkuna isu dhaxaan.

Shuuradu waxaa leh Ahlu-xalli walcaqdiga, laakin dimuqraadiyadda iyo barlamaanku waa doorasho.

Waxa noocaas ah ayaa maanta dalkeena la keenay iyadoo lagu galbinayo Taangi.

Halista Baarlamanka Mahiiga

 

Markii mujaahidinta Soomaaliya ku guleysteen in ay burburiyaan shirkigii iyo qabuurayaashii lagu dawaafi jiray ayaa waxay gaaladu sii xoojiyeen shirkiga reer magaalka ee Baarlamaanka la yiraahdo.

Nasiib darrada ugu weyn ee maanta heysata ummadeena muslimka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxay tahay in caasimadoodii uu fadhiyo Baarlaman Allaah kula tartamaya sharciga, kuna dhaqmaya sharci gaalo dajisay.

Baarlamankan oo ay u badanyihiin dad ay qurbaha kusoo barbaarsadeen shisheeyahu ayaa waxuu halis weyn ku yahay dhaqanka iyo caqiidada umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed, kaasoo haddii aanan laga hor tagin keeni kara in uu sii faafo shirkigooda.

Dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa waxay aaminsanyihiin in Baarlamanka uu ka shar badanyahay kii ka horeeyay ee uu Mahiga kala diray.

Qodobada uu uga halista badanyahay ayaa waxaa kamid ah:- in dhammaan xildhibaanadiisu yihiin dad dacwad gudanaya oo shacabka ku faafinaya shirkiga, halka kii isaga ka horeeyay ay hawlihiisa ku koobnaayeen shirarka oo kaliya.

Haddaba halista Baarlamankan kuma koobna dhanka Caqiidada oo kaliya ee waxaa kaloo uu khatar ku yahay dadnimada iyo kheyraadka ummada Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa waxay doonayaan in ay ansixiyaan dhul badeedka Soomaaliya ee ay Kenya dooneyso iney Juqraafi ahaan baddeeda ku darsato, iyadoo arintaasi ay dhiiragalineyso dowladda Norwey oo dooneysa in ay shidaal ka qodato.

Baarlamankan waa isku dayigii igu dambeeyay ee lagu xalaaleysanayo kheyraadka dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, waxaana taa kaaga marqaati kacaya in gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay nin ay meesha keensatay dowladda Norwey.

WQ: C/fitaax Maxamad Qaasim