Banaanbaxyo lagu diidanyahay Dowlada Federaalka oo fadhigeedo yahay Moqdisho oo Kismaayo ka dhacay!!

Muranka ka dhex taagan kuwa karaaha lagu keenay Kismaayo iyo kuwa saaraan Amisom ee Moqdisho ka jooga xaafado kooban ayaa ah mid isku mid ah,dhamaan waxay Qawano ama Cawaan lagu adeegto u yihiin gumaysiga cusub oo la galshay gayiga Somaliyeed.

Dibed-baxyadan ayaa ku soo beegmay xili muran uu ka taagan yahay qaabka maamul loogu sameynayo gobolada Jubooyinka, kaasoo u dhexeeya dhinacyada Soomaalida ah ee wada qabsaday Kismaayo iyagoo gacan helaya ciidamada Kenya ee magaca AMISOM wata, isla markaana dhinaca kale uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya dowlada Somalia iyo jabhada Raaskambooni.
Ma ahan inay isku haystaan wax fa’iido u leh Soamlia iyo Somalidaba,waxaadna meeshaas ka garan kartaa inysan xal u ahayn Somalida daalan.
Dadka reer Kismaayo waa dad AHLU TOWXIID ah oo yaqaan ama ogaaday in loo tago xukunka ALLE inay xal tahay,laakiin xoog iyo Muuqinis ayaa lagu hayaa waana tan maanta banaanka loogu soo bixiyay sida inay jecelyihiin KUKUUYAHA IYO KAANBOONIGA la socda gaarna u diiadayaan Xasan Culusow iyo Musaveni oo Moqdisho walaalo ku ah, waa sida uu yiri isagu markii la doortay.

“Dulli kama baxaysaan hadaan diinta lagu laaban”
Banaadir Post.