Madaxwayne Mawaan Horey Laguugu Sheegin In Kismaayo Laga Amro Nairobi?

Tan iyo markii Kenya ay ka gashay Soomaaliya damac siyaasadeed iyo mid dhaqaale waxay bilowday dagaalo af iyo adinba ah kuwaas oo ay ku cadaynaysay sida ay uga go’antahay in jubooyinka lagu daro maxmiyada gaarisa ama NFD ee Kenya.

14 october 2012 kenya waxay si cad usheegatay markii ugu horeysay in ay gudaha ugashay dhulka Soomaaliya balse ay jireen galitaano kale oo ay horey usamaysay kuwaas oo aysan qiran balse shacabka Soomaaliyeed ogyahay, 2006dii markii maxaakiimtii Soomaaliyeed ay usoo carareen dhanka kaymaha jubooyinka, Kenya, Maraykanka iyo Itoobiya waxay kula dagaalameen haraadigii islaamiyiinta dhulkaas, kenya si toos ah ayey soo gashay waxayna halkaas ku laysay dad iyo duunyo aad ufara badan, balse maysan sheegan soo galistaas.

Waxaa xigtay markii uu baadiyoobay Axmed Madoobe oo ay xarakadu go’aan ku gaartay in ninkaas umada laga qabto Kenya si cad ayey udifaacdey markii laga saaray jubooyinkana waxay lasoo gali jirtay dhulkaas oo ay kula dagaalami jireen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse kenya markaas maysan sheegan inay gudaha ugashay dhulka Soomaaliyeed.

Waxaa xigtay soogalitaankaan cad oo kenya aysan ka fiirsan ayna kusoo gashay sadex nin taladooda oo aan laga baaraan dagin.

Balse 5 bari oo qura soo galitaankii kenya faarax macalin ayaa waraysi ku sheegay in kulbiyow iyo guud ahaan jubooyinka mar dambe aan looga talin doonin  Muqdisho ee looga talin doono Gaarisa iyo Nairobi, hadalkaas oo caro badan abuuray kuna abuuray dadka si dhaba ufahmi kara ujeedooyinka Kenya ayaa aqoonyahanada iyo mu’arikhiinta Soomaaliyeed hadalaas ka jawaabeen iyagoo umuujiyay ka xumaanshiyha hadalkaas, sidoo kale waxaa arintaan si dhab ah ufahmay saraakiishii hore ee ciidamada qaranka Soomaaliyeed kuwaas oo ogaa kana qayb galay dagaaladii dhul soo ceshiga ee 77 kii dhacay.

Waxaa dhoohnaan iyo maahsanaan muujiyay dawladii Villa Somalia oo markaas kursiga uu ku fadhiyay shariif iyo xukuumadiisa iy dhamaan dawladii xiligaas oo aan wax jawaab ah ka bixin hadaladaas ka soo yeeray masulyiinta Kenya iyo soo galitaanka bareerka ah, balse dhanka kale way soo dhaweeyeen soo galistaan si kal iyo laab ah.

Mudo sanad iyo xoogaa ah Kenya waxay ku meeraysanaysay inta udhaxaysa Kismaayo iyo xuduud beenaadka iyadoo markii dambe soo gashay Kismaayo iyadoo caawimaad ka helaysa Maraykan, isra’il iyo NATO.

Tan iyo markii ay soo galeen gudaha Kismaayo waxay bilaabeen in si cad ay usheegaan in Madaxwayne Xassan Sheikh uu Madaxwayne ka yahay Muqdisho oo kaliya ee uu san soo fara gashan karin dhulalka kale sida jubooyinka.

Hadana waxan maqlaynaa indhaheenana ku aragnaa in wafdi kasocday DF iyo AMISOM laguryo celiyay oo loo sheegay meeshaan in looga taliyo Nairobi, cidda celinaysay maahayn Axmed madoobe iyo kooxdiisa balse waxay ahaayeen ciidamada Kenya, Amar iyo celin kasoo baxay taliska ciidamada ee Nairobi.

Soo celitaanka wafdigaas kadib waxan maqlay madaxwaynihii ayaa carooday waana tan igu kaliftay inaan qoro warbixintaan waxaana leeyahay ma waan horey lagugu sheegin in Kismaayo aan laga amri doonin Muqdisho? soo tii aad usacaba tumaysay markay Kenya qabsatay kismaayo? mawaad ilowday hambalyadii iyo bogaadintii aad udirtay markay ciidamda kenya ay qabsadeen Kismaayo? ma waxaad uhaystay in adiga laguu qabtay?

Soomaalida ayaa in badan carabka ulaalaadiya cadowga markii ay ka jaraana cabaada

W/Q Abu Sayaaf