Gaalkeyga maxaa ku tusay bay naga mareysaa! Waxaa dadkii ka yaabiyey Shariif sh. Axmed oo isagoo gaalo-madow waardiyeyso lahaa: Kenya maxay u soo weerareysaa Soomaaliya? Ma geel baadi ah baa la kala xigaa? Gaas iyo Axmed-madoobe waxay dhaheen: Kenya waxay ku jirtaa IGAD, weliba waxaa u dheer inay ku jiraan ciidanka Amisom. Fikraddu Shariif kuma eka ee xitaa kuwa sheegta aqoon-yahanno, wadaaddo, Xasan sh. Maxamuud iyo odayaal dhaqan baa u arka in gaalomadowda Burundi iyo Ugaandha yihiin wadeey halka kuwa Kenya yihiin cadow!
Horay baa qaar ka mid ah Golaha Baraarugga Islaamku u sheegeen: hadday Kenya qabsato Kismaayo inaysan talada magaaladaas u dabo fariisan doonin Museveni iyo Ismaaciil Cumar Geelle. Kenya labadaas waddanba ka ciidan badan, sidoo kalana ka dhaqaalo badan. Waxaa intaas u dheer Kenya horay bay dhulkeenna waax ka mid ah u heysatay, waxayna nala leedahay xudduud. Ganacsatadii Soomaaliyeed oo in badan oo ka mid ah Xamar ka yimaadeen baa dhaqaalahoodii geystay Islii, jecelna inay ku noolaadaan Kenya! Qof raba inuu inta sharci Kenya qaato iska jooga Kenya; muxuu ku diidin in Kenya qabsato Soomaaliya?
Waxay qorayaashaas sheegeen in kastoo Kenya dheg weyn tahay laakiin hadday baraarugto ooy aragto arrimahaas aan sheegnnay iyo maxaysato waranle iyo wadaaddabo leh oo u khidmeynaya; iska daa Kismaayee waxay tagi kartaa Xamar xitaa iyadoon wax badan ka helin reer Galbeedka! Ciidamada ugu tabobarka fiican Kenya waxaa ka mid ahaa kuwa Soomaali iyo Booran leh! Kenya waddan kale oon keenna ahayn dagaal kulama jirto sidaas darteed waxay awoodaan inay ciidankooda xeryaha iska jooga ee mushaarka qaata usoo durkiyaan dhanka Koonfurta Soomaaliya!
Maaddaama ciidanka Kenya la baray dagaalka; waxaa dhici karta inay qaataan kaalin ka weyn tii Itoobiya – inay waddankoo dhan qabsadaan! See camal? Kenya ka dhaqaalo badan Itoobiya! Awal waxaysan aqoon dagaal! Haddaan innagu tabobarnnay haddee waa bes! Kenya waxay kaloo Itoobiya uga khatarsan tahay waa inay dalkooda ka jirto wax dimuqraadiyad u eg! Waxaa dhici karta inay Soomaaliya ka dhisaan meelo la mid ah Gaarisa oo kale oo la yiraahdo: iska ganacsada, noona shaqeeya; annagaa kor idin ka xukumeynnee! Khatarta kale waxaa weeye: waxay hoosta ku wataan wadaaddo Salaf sheegta! Waxaa dhici karta in maanafeestada ay Kenya waddanka ku qabsaneyso ay ku darto inay noo dhisayaan masaajid waaweyn! Iyadooy dhici karto inay dhahaan: soow culumadiina ugu waaweyn nabad kuma heystaan Nairobi! Haddaad Nairobi Ilaahay ku caabuddaan; maxaad uga baqeysaan inaan Xamar idiin ku diidnno diintiinna?
Waxaan isweydiin lahayn sidoo kale in hay’adaha ka howlgala Soomaaliya intooda badan Kenya joogaan. Kenya hal maalin bay culeys daran saari kartaa dadka mucaaradka ku ah ee Xamar jooga! Keliya waxaa ku filan in ganacsata Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfurta ay daba dhigato! Daba-dhigasho kaliyaa ku filan! Qofka Soomaaliga ah waxaa u daran hashiisa (shilinkiisa)! Haddii shilinkiisa loogu yimaado wuxuu isku furanayaa diintiisa, dalkiisa, iyo dadkiisa!
Waa muuqataa in Museveni iyo ina Cumar Geelle arkeen fahanka Kenya fahmeyso Soomaaliya! Iska daa labadaas nine xitaa hadda Kenya waxay Koonfurta Soomaaliya uga dheereyn kartaa Itoobiya waa hadday noqdeen kuwa dagaal bartay iyo sababahaas kale.
Waxaa ka sii daran waxaad maqleysaa: dowladda oo madax uga dhigtay haweenay guddiga Jubbooyinka! Maxay tahay anshax-xumadaas! Teeda kale maxaa Goobaale ku daray wafti loo dirayo Jubbooyinka? Ma Xasan sh. Maxamuud maba la socdo waxa Somaaliya ka dhacay! Xaqiiqdii, in ina sh. Maxamuud uusan la socon waddanka taas baa daliil u ah! Nimanku ma muqayiliin bay ahayeen?
Gaalada kala xigsanayo kaddib waxaa kaloo Axmed-madoobe ku doodaa: maxay Kismaayo uga duwan tahay Puntland, Galmudug, iyo Ximan iyo Xeeb? Si kastaba ha ahaatee kooxdii u qabtay in Amisom u roon yihiin dantooda; khalad bay is tuseen. Kooxdaas baa bartay Axmed-madoobe iyo Gaandi in ciidamo shisheeye lagu xirmo! Waxaa intaas dheer in Museveni caawiyey ciidanka Kenya isagoon is ogayn! Qabashadii Afgooye, Marka, iyo Balcad baa sahashay in Kismaayo la qabsado!
Waa la ogyahay in Amisom Xamar ka taliso. Waa la ogaa siday Farmaajo iyo ina C/Rashiid u ceyrsheen. Waa arrin la yaab leh in la arko Kenya iyo Kaambooni oo soo ceyrinaya saraakiil ka socota Amisom iyo maryocalasta! Axmed-madoobe ma Farmaajuu u aaray? Marka kooxdaas Xamar joogta ee u qabtay inay qandaraas ku heystaan in loo doodo Amisom; ha garteen inay jiraan kooxo kale oo jidkooda qaaday oo hadda Kenya u khidmeynaya! Maxay tahay qeylada idin ka soo yeereysa haddii jidkiinnii la qaaday? Mar dhow fisha qabiillada Soomaaliyeed oo midba gaal madoow u doodayo!
Xaqiiqdii waa arrin ay ku farxayaan dadka xorta ah ee fahmaya danta gumeysiga inay arkaan IGADD oo is heysata iyo qabiilladii oo isku heysta gaalo-madowdii! Haddii dhinaca maaddiga la fiiriyo: yaa taageero weyn heysata – koox ku xiran Ugaandha iyo Jabuuti; mise kuwa ku xiran Kenya?
Maxamed Xaamud
la soo xigtay Somalimidnimo.com