Saraakiil ka tirsan AMISOM Iyo Wafdi Dowladda Soomaaliya matalayey ayaa maanta laga soo eryay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, kadib markii Ciidamada Kenya ee Kismaayo qabsaday ay si cad ugu sheegeen in aysan geli karin gudaha magaalada Kismaayo.
Mid ka mid ah Wariyeyaashii raacay wafdigan lasoo eryay ayaa sheegay in Wafdiga AMISOM uu hoggaaminayay Abaanduule u dhashay dalka Jabuuti, halka saraakiisha kale ee dowladda Soomaaliya matalayeyna ay ahaayeen 10-xubnood oo ah guddi Madaxweynaha Soomaaliya uu u saaray inay qiimeeyaan xaaladda Kismaayo iyo arrinta ku saabsan dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekedda Kismaayo.
Kulan ay yeesheen Saraakiisha Kenya iyo Wafdiga ka socday dowladda iyo AMISOM ayaa ku dhamaaday Qilaaf, Iyadoo Wafdigii Muqdisho ka yimidna Amar lagu siiyey in ay Diyaaradihii keenay dib ugu noqdaan oo ay ku laabtaan magaalada Muqdisho.
Arrintan Maanta ka dhacday Kismaayo ayaa Weji-gabax weyn ku ah Dowladda Soomaaliya, Iyadoo Kenya ay si toos ah Maanta u muujisay in Kismaayo ay tahay meel ay Kenya toos u maamusho oo Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM midkoodna uusan waxba ka ahayn.
Maalmo kahor ayey ahayd markii Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Amb, Ameriko uu Warbaahinta u sheegay in Dhuxusha Kismaayo laga rarayo si dhuumasho ah Doomo yar yar looga dhoofinayo, Dowladda Soomaaliyana aaney ka warqabin, Waxana ay Arrintaas ka careysiisay Dowladda Kenya oo Dhuxusha halkaas laga rarayo Maamulkeeda iyo Manfaceedaba lagu tuhmayo.