Kismaayo iyo Kukuuyo”Kenyan” maxaa kala haysta!!

Ciidamada Kenya ayaa si cad u sheegtay in Kismaayo ay qabsadeen, isla markaana ciidamada Raaskabooniga iyo Ciidamada Kenya cid aan ahayn aysan faraha la soo gali karin. Saraakiisha Uganda oo aad u xanaaqsan isla markaana shaki weyn kaqabay ku biiritaankii ciidamada Kenya ay ku biireen howl galka loogu magac daray Amisom iyo khilaaf hore oo kadhashay ayaa cirka isku shareeray.

Waxaa ceebta ugu weyn ay tahay Niman sheeganaya dowlad Soomaaliyeed oo xattaa la yiri, Kumeel Gaarkii ayey ka baxday Wafti ay diraan oo Soomaaliya in ciidamada shisheeye ee Kenya ay ka celiyaan magaalada Kismaayo!.

Qofkii Diin iyo Caqli leh waa garanayaa, xattaa mustaqbalka dhow Axmed Madoobe iyo Raggiisa in ciidamada Kenya ay ka saari doonaan Magaalada Kismaayo. Ma jirto fadeexaddaan ku dhacday maamulka Villa Soomaaliya cid wali ka hadashay, sidoo kale Saxaafadda taageersan kooxda Ridada ah ayaa ka gaabsaday.

Maxamed Xaamud