C/Weli Gaas oo Maamulka Puntland ku eedeeyay Caburin ay Shacabka Deegaannadaas ku hayaan, Baaqna u diray Isimada Puntland.Cabdi Wali Gaas “Shacabka Puntland Waxay Caburis Kala kulmayaan maamulka talada haya ee Faroole”

War saxaafadeed uu dhawaan soo saaray Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan C/Weli Maxamed Cali Gaas oo uu uga hadlay safarradiisii uu Muddooyinkanba ku marayey qaar kamid ah deegaannada Puntland oo uu ka soo jeedo ayuu ku sheegay in Maamulka Puntland uu caburin xad-dhaaf ah ku hayo Shacabka Puntland, Waxana uu Maamulka Faroolle ku eedeeyay in Shacabka Deegaannadaas deggan uu ku hayo Handadaad iyo Xadgudubyo aad u daran, Isagoo ugu baaqay Isimada Puntland in ay dib u eegaan Arrimaha haatan ka taagan Deegaannada Puntland Go’aanna ka qaataan Dowladda C/Raxmaan Faroolle oo sida uu sheegay aysan Shacabka Puntland haatan Kalsooni ku qabin.

Hoos ka aqri Warsaxaafadeedka C/Weli Gaas.

Bismillaahi Raxmaani-Raxiim, Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi WB.

Sidaa aad la socotaan waxaan ilaa iyo 19kii bishii la soo dhaafay safaro ku marayey qaybo kamid ah Gobolada Puntland.

Anigoo og in ay jiraan su’aalo badan, waxaan jeclaaday in aan dadweynaha la qaybsado warbixinta safaradaydii oo haatan gabo-gabo-ah.

Waxaan la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanada Gaalkacyo, Galdogob, Bursaalax, Xero-Jaalle, Bayra, Riig-O-mane, Bacaadweyne, Xarfo, Buurtinle, Jalam, Kala-Bayr, Garowe, Sunna-Jiif, Danqoronyo, Qardho, Carmo, Bosaaso, iyo qaar kale.

Waxaan maanta rabaa in aan warbixin waafi ah kabixiyo socdaalka aan kor ku xusay.

Waxaa ii surtoobiwayday duruufo kala duwan awgood in aan tago Gobolo iyo degmooyin kale oo ii qorshaysnaa in aan socdaalkayga ku darsado. Nasiib wanaag, waxaan la kulmay ergooyin kasocda deegaanadaas aanan gaarin. Inshallah waxaan ballaan qaadaya in aan gaaridoono Goboladaas aanan tagin markii ay fursadu ii saamaxdo.

Waxaan aad ugu mahad naqayaa dadweynaha reer Puntland oo meelkastoo aan tagnay aniga iyo wafdigaya noo soo dhaweeyey si walaaltinimo leh oo ay kalkacaltooyo ku dheehantahay kana muuqato qiiro wadaninimo iyo Soomaalinimo.

Waxaan socdalkayga kula kulmay qaybaha kala duwaan ee bulshada iyo xubno katirsan maamulka Puntland gaar ahaan isimadda, madax-dhaqmeedka, waxgaradka, ganacsatada, haweenka, dhallinyaradda, culumaa-u-diinka, iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland.

Haddaba, waxaan rabaa in aan dul istaago qodobo kamid ah waxyaalihii aan soo arkay iyo warbixintii ay isiiyen bulsho-weynta reer puntland ee aan kulamada la qaatay.

Waxaa jiray caqabado yar yar ee aan kala kulmay safarkayga balse aan go’aansaday in aanan waxba kasoo qaadin kagana gaabsanayo in aan kudaro warbixintayda.

1. Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada.

2. Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwadinimo. Waxay dimmuqradiyadu na faraysaa in qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay in uu si xor ah u hadli karo, una kulmikaraan, si ay u gutaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah. Hase yeeshe, waxay ii sheegen in aysan maanta taas ka jirin Puntland. Saxaafada xortaahina aysan cabsi awgeed uga howlgali karin Puntland aysanna gudbin Karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.

3. Waxay ii sheegen in marar badan ay isku-dayeen in ay samaystaan qadooyin iyo fadhiyo ay kaga tashanayaan aayahooda balse ay cadaadis iyo caburin kala kulmeen maamulka Puntland.

4. Waxay kaloo ii sheegen inkasto ay muhiimtahay in laga qudbo nidaamka qabaliga ah loona gudbo nidaamka dimmuqraadiga ah ee xisbiyada badan, haddana in aysan kalsooni ku qabin in xukuumadda jirtaahi ay arrintaasi daacadna ka tahay fulinna karto.

5. Waxay kaloo ii sheegen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland.

6. Waxay kaloo bulshoweyntaasi katirsanayeen maamulka caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.

7. Waxay bulshoweynta Puntland si waafiya u cabireen waxqabad la’aan la xariirta daboolida baahida aasaasiga ah ee arrimaha bulshada (basic social services) sida caafimaadka, waxbarashadda, iyo biyaha. Waxaa kaloo burburay waxna aan laga qaban halbowlayaasha dhaqaale sida wadooyinka, Garoomada duulista, iyo Dekedda. Waxaa markhaati madoonta ah in wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Bosaaso iyo Galkacyo iyo Dekedda Bossaso ay yihiin hantida kaliya ee laga dhaxlay dawladdi Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

8. Waxay meelkastoo aan tagno dadweynuhu ku bararugsanayeen in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo xasiloonida Puntland dibna la iskugu soo celiyo Gobolladii iyo Beelihii ku bahoobay maamulka Puntland.
9. Waxaan meel walba kula soo kulmay shacab u bisil nabad, hogaamin wanaagsan, iyo horumar dhaqaale jiritaanka Puntlandna ay si dhab-ah uga go’antahay.

10. Waxay kaloo muujiyeen si cadna u diidanaayeen muddo kororsiga xeeladaysan ee maamulka iyo Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday.

Talo soojeedin iyo u nasteexayn dawladda:

1. Waxaa ku habboon maamulka iyo baarlamaanka lagu soo doortay laguna dhaariyey in ay ugu adeegaan xilkooda afarta sanno ee labada bilood ka dhimanyihiin in ay tixgaliyaan dhawraanna rabitaanka shacbiga. Waxaan ku baraarujinayaa maamulka iyo baarlamaanka in aysan galin dalka mugdi iyo khalkhal siyaasadeed oo laga maarmikaro. Waxaa mudan in marwalba danta guud laga hormariyo danta iyo maslaxadaha khaaska ah.

Talo soo jeedin ku wajahan isimadda Puntland. Isimadu waa marjaca siyaasadeed ee Puntland waxayna budhige u ahaayen una yihiin aasaaskii iyo jiritaanka Puntland. Sidaa daraadeed, waxaa waajib gaar-ahi ka saaranyahay in ay marwalba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan marxalada uu dalku marayo.

Waxaan ku talinayaa in ay isugu yimaadan shir deg-deg ah oo ay ku qiimaynayaan marxalada ay Puntland maanta ku jirto si ay u gutaan waajibaadka ka saaran maslaxadda iyo horumarka Puntland. Isimaddu waxay leeyihiin dowr iyo awood dabiici-ah (moral authority) iyo kalsooni shacab ee aysan siyaasiyiintu lahayn. Waa inayna saas u fahman.

Arragti guud:

Waxaa waajib ah in loo qumo maslaxada guud ee Puntland lagana dheeraado waxkasta oo keeni kara khalkhal siyaasadeed. Waxa kaloo waajib ah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka wixii ka haray Puntland lana doono inta maqan si ay ku jirto dabacsanaan, ehelnimo, iyo daacadnimo.

Dadweynaha reer Puntland waxay horseed ka ahaayen nidaam kastoo horseedikaray dimmuqraasiyad iyo rabitaan shacab waxayna ku caanbaxeen samir iyo dulqaad siyaasadeed. Sidaa daraadeed waa in la dhowraa rabitaankooda iyo sharaftooda. Waa in lala fahmaa shacabweynaha Puntland in ay xeerinayaan midnimada, xasiloonida, iyo jiritaanka Puntland. Waa in aan loo qaadan in ay raali ka yihiin sida qaawan ee mararka qaarkood loola dhaqmo.