“Diinta Islaamka iskadaaye xattaa dhaqankii waxaan cadaynaynaa in ay ka tageen, Nimanka Villa Soomaaliya lagu waardiyeynayo” DHAGAYSO: Garaad Maxamed Sheekh Maxamuud Cali, Nabadoon Ismaaciil Haaruun Iyo Nabadoon Maxamuud Cali Geedi Oo Ka Hadlay Wasiirada Cusub Iyo Haweenka.

Garaad Maxamed Sheekh Maxamuud Cali, Nabadoon Ismaaciil Haaruun ahna Afhayeenka Golaha Dhaqan Islaamigaa, iyo Nabadoon Maxamuud Cali Geedi oo asna ah, Afhayeenka Golaha Dhaqanka Islaamigaa ee Beelaha Hawiye, ayaa ka horyimid golaha Wasiirada cusub ee looga dhawaaqay Villa Soomaaliya, waxay aad oga hadleen in Haweenayda laga dhigay, Raisalwasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arimah Debadda.

Waxgaradkaan Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirqoolka Reer Galbeedku wado aanan dhulka loo dhigi doonin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay la dagaalami doonaan, waxay kale oo sheegeen in ay bilow u tahay burbur iyo dagaal hor leh. Odayaashaan ayaa yiri, Diinta Islaamka iskadaaye xattaa dhaqankii waxaan cadaynaynaa in ay ka tageen, Nimanka Villa Soomaaliya lagu waardiyeynayo.

Waxgaradkaan Somaaliyeed ayaa noqonaya, kuwii ugu horreeyey ee Saxaafadda la hadla kana hor yimaada, golaha Wasiirada cusub iyo Haweenay in Raisalwasaare ama Wasiirka Arimaha Debadda laga dhigo. Dhinaca kale waxaa jira Beelaha aanan golahaan Wasiirada waxba ka helin ee ku jira Baarlamaanka Ridada ah, in ay suxulduubasho ugu jiraan sidii ay u diidi lahaayeen golahaan cusub isla markaana waxay sheegeen in ay kucelin doonaan horjoogayaashii soo magacaabay.

Dhinaca Culimada Soomaaliyeed iyo dhammaan Xarakadaadka Islaamigaa ee Soomaaliya ka jira, ayaanan ka hadlin, Haweenayda laga dhigay Raisalwasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arimaha Debadda, taas oo lagu sheegay Taariikh ahaan in aysan ka dhicin, Wadanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa Wasiiradaan cusub ku jira, Haweenay  horay u sheegtay in Haweenayda Soomaaliyeed ay noqon karto Madaxweyne Soomaaliyeed taas oo Culimada qaarkood ay ka hadleen, balse xiligaan ma jirto cid ka hadashay, haweenayda Wasiirka Arimaha Debadda iyo Raisalwasaare ku xigeenka laga dhigay.

23612604

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

23783381

Isha Maqalka Idaacadda Alfurqaan.