Wasiirka Ammaanka Uganda, Wilson Mukasa ayaa sheegay in go’aanka Ciidamadooda ay uga qaadanayaan Soomaaliya uu yahay mid aysan ka laabanaynin, balse ay marka hore wafdi heer Wasiir ah u dirayaan New York si ay Qaramada Midoobay ugu sharraxaan go’aankoodan.
Ugandha ayaa ka carootay Guddi ka socday Qaramada Midoobay oo baaris ku sameeyay dagaallada ka socda DR Congo, Iyagoo warixin ay soo saareen Guddigaas ku sheegay in Uganda iyo Ruwanda ay taageero siiyaan jabhadda ka dagaallanta bariga DR Congo taasoo ah midda ugu Awoodda badan ee dagaalka kula jirta dowladda dalkaas ka jirta.
“Uganda waxay go’aansatay inay ciidamadeeda kala soo baxdo, Soomaaliya, DR Congo iyo Afrikada dhexe, si ay u xoojiso ammaankeeda gudaha,” ayuu yiri Mukasa oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Kampala shalay oo Jimco ahayd.
Wasiirka ammaanka Uganda wuxuu ku dooday inay ku daaleen inay ilaaliyaan mar walba Nabadda dalalka ay dariska yihiin, balse ay hadda go’aansadeen inay xoojiyaan nabadda dalkooda, intii ay ilaalin lahaayeen nabadda dalal kale.
Afhayeenka milateriga Uganda, Felix Kulayigye ayaa isna sheegay inay sugayaan Amar, haddii amrakaas la siiyana ay ku dhaqaaqi doonaan tallaabada la amray. isagoo ku daray hadalkiisa: “Maalin kuma darsan doonno joogitaankeenna Soomaaliya haddii amar nala siiyo.
Xukuumadda Uganda ayaa dhowr jeer ku celisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, Balse lama oga Hadalkan haatan kasoo yeeray in uu mari doono kuwii hore halkii ay mareen iyo in kale.