Qilaaf Aan La Ogayn Halka uu Saldhigan Doono ayaa Soo Kala Dhexgalay Madaxda Camiilka u ah Shisheeyaha Faragalinta kuhaya Arimaha Soomaaliya.ee Horkacaya DF.
Qilaafka oo Inbadan Saxaafada Gudaha iyo Tan Dibada Laga Qariyay ayaa Soo shaac baxay Shalayto oo Kulan Baarlamanka Muqdisho ay kuyeesheen Kulaayay qodob Awood Usiinayay Xasan Sheekh inuu kala Diro Baarlamanka.
Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa kahor sheegay Baarlamanka In Madaxweyne Xasan Sheekh uusan Awood ulahayn inuu Kala Diro Baarlamanka.
Xasan Sheekh ayaa Dhawaan Jawaari ugu Goodiyay inuu Adeegsan Doono Awood uu kukala Dirayo Baarlamanka Haddii aysan Ansixin Wasiiro Yare e Lafilayo inuu Soo Dhiso Raisulwasaare Saacid.
Madaxtooyada oo hooy u ah Raga is haysta ayaa Laga Dhex Dareemayaa qilaafka Cusub ee kadhex Qarxay Xasan Sheekh iyo Jawaari.
Warar ayaa Sheegaya in Xasan Sheekh uu Sharci Daro kutilmaamay Qodobka Awooda Siinayay ee Gaashaanka kudhufteen Golaha Dhawaagiida ee Allah kula Doodaya Sharcigiisa uu ugu talagalay in Lagu Xukumo Koonkiisa.
Saraakiil Maraykanka ah oo soo faragaliyay Qilaafka ayaa Lagu Wadaa Saacadaha Soo Aadan inay soo Gaaraan Muqdisho si ay Biyougu Shubaan Dabka kadhex Holcay Jawaari iyo Xasan Sheekh.
Warar Aanan Xog Buuxda Laga Helin ayaa sheegaya Saraakiisha Maraykanka Muqdisho Kusoo Wajahan inay Hogaaminayso Cajuusada Maraykanka Uqaabilsan Arimada Dibada Hilary Clinton.