Kenya ayaa caqabado adag la kulantay tagistii Kismaayo ka dib,waxaana soo foodsaaray xaalado aysan xisaabta ku darsan oo ay hada hor fadhido,waxaana taas ugu weyn amaniga Kismaayo la sugi waayay hadiiw ax kasta oo xun dadka lagu sameeyay,dadka magalaada ku nool oo intooda badan Sunado ka muuqato ahna dad Ahlu Towxiid ah taaso casi ku haysa gaalada kuwa iyo daba gebleeya.Waxaa kale cabsi ku haya magaalada oo ah magaalo weyn oo dad kala qabiil ahi ku noolyihiin iyaga oo markii hore loo sheegay inay ku nool ama u badan yihiin beesha maleeshiyaadka iyaga soo horkacay ee Raaskabooni,taasoo been ah iyaguna ogadeen goor danbe oo dabka dhexda ugu jiraan!
Waxaa kale oo cabsi aan dhamaad lahayn ku haya meesha ay jaan iyo cirib dhigeen ciidankii xooga weynaa ee Shabaabka,kuwaas aan laga qaban hal askari lagana dilin,hal gadiidahan laga gubin laga qabsan,ilaah amarkiis,taas oo dadka Caskari yaqaan mar hore uga digeen Kenya inaysan dagaalka shabaabka galin,hadii ay galaana aysan isku biimayn magaalo weyn oo sida Kismaayo oo kale ah,Amiirka Shabaabka oo maalintii Ciida ahayd cod maqal ah laga hayo ku sheegay “Qaladka ugu weyn oo beesha caalamku gashay waa inay Kenya dagaalka soo galiyeen,Kismaayna ma sii haysan karaan”.
Kenya ayaa ciidankeeda gaysay Dekada iyo Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxayna hada ogaatay inaysan meeshan ahayn meel la sii joogi karo maadama aysan wax xariir la lahayn magaalada iyo waxa ka socda.
Dadka indheergaradka iyo Taariikh yaqaanada ayaa og in Kismaayo tahay dagaal ma hurto laakin yaa ,ku dagaalami doona ugu horeyn,ma beelo mise qolooyin kale oo is haya?