Wasiirka Amaanka ee dalka Ugandha ayaa maanta oo Jimce ah Saxaafadda dalkaasi Ugandha u sheegay in dowladiisa go’ aansatay inay ciidamadeeda kalasoo baxdo wadama kamid ah Afrika oo ay ugu horeyso Soomaaliya.
Mr.Wilson Muruli Mukasa ayaa shirkaan jaraa’ iid qabtay maanta oo Jimce ah kadib kulamo maalmahan magaalada Kambala uga socday Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musefeni, Golihiisa Wasiirada iyo Saraakiisha Militariga dalkaasi Ugandha.
Madaxweyne Yuweri Musefeni oo la sheegay inuu go’aansaday inuu Soomaliya kala baxo ciidamada
Dowlada Ugandha ayaa si weyn uga carootay Warbixin kasoo baxday guddi Qaramada Midoobay u xilsaartay inay soo baaraan Jabhadaha ka dagaalamaya dalka CONGO DRC, warbixintaasi oo qeyb kamid ah lagu sheegay in dowlada Ugandha ay taakuleyso Jabhada M23 ee ka dagaalanta dalkaasi Congo. Waxayna warbixintan kusoo aaday xili Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni uu ku mashquulsanaa inuu ka dhaadhiciyo Jabhada M23 inay ogolaadaan xabad joojin ay la galaan dowlada Congo DRC.
Arrintan ayaa cirka isku shareertay kadib markii Madaxweynaha dalka Congo DRC Mr.Joseph Kabila uu shir jaraa’ iid uu qabtay uu ku sheegay in Dowlada Ugandha khasab ku tahay inay ka jawaabaan eedaynmaha lagu helay, hadalkan oo uu si weyn uga carooday Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni.
Dowlada Ugandha ayaa si weyn uga carootay eedaynta uga timid dhanka UN (Qaramada Midoobay) Waxayna dowlada Ugandha maalmahan ka tashaneysay sidii ay uga jawaabi lahayeen eedaynta uga timid dhanka UN-ka, waxayna ugu danbeen go’ aansadeen in ay ayaguna dhankooda ku dhawaaqaan inay Ciidamadooda kala soo baxayaan wadamada Soomaaliya, Central African Republic iyo DRC.
Ciidamada Ugandha ee kamid ah AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ku jooga wadanka Soomaaliya Qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay, waxayna Ugandha si weyn uga carootay Warbixinta Qaramada Midoobay ayadoo ku tilmaamtay DHABAR JABIN.
Jabhada M23 ayey u badan yihiin Qowmiyada Tutsiga
Raysalwasaaraha dalka Ugandha Amama Mbabazi ayaa asaguna qoraal uu u gudbiyey BAARLAMAANKA ugandha ku sheegay in eedaynta uga timid Qaramada Midoobay ay tahay mid aan wax sal iyo raad toona lahayn, asagoo sheegay in dalka Ugandha uu dhiig iyo maal u huray siduu nabad ugu soo dabaali lahaa wadamada kamid ah Qaarada Afrika, isla markaana istaahilin in sidan loo ihaaneeyo ama loo eedeeyo.
“We have now decided, after due consultations with our brothers in the AU and the region, to completely withdraw from these regional peace efforts; that is to say DRC, Somalia and others,” “It is no longer plausible for Uganda to assist and get malignment as the reward.”
“Waxaan hada go’ aansanay, kadib markaan wadahadal la sameynay walaalaheena Midowga Afrika iyo kuwa gobalka, inaan gebi ahaan dib uga soo baxno hawlgalada nabad illaalinta ee aanu ka qeyb qaadaneyno oo ay kamid yihiin dalka DRC, Somaliya iyo kuwa kale. Maaha macquul in Ugandha ay hawlgaladan sii wado looguna abaal-gudo in lagu been abuurto…” ayuu yiri Raysalwasaaraha dalka Ugandha oo asaguna Xalay wareysi bixiyey.
Wilson Muruli Mukasa Wasiirka Amniga ee dalka Ugandha oo maanta shir jaraa’ iid ku qabtay Kambala ayaa sheegay in Ciidamada Ugandha dib loogu soo celin doono gudaha dalka Ugandha si loo xoojiyo AMNIGA gudaha ee wadankaasi iyo xuduudihiisa waa siduu hadalka u dhigayee.
Muruli said government’s decision to pull out troops from regional countries is “irreversible” because “that’s what we have decided.”
Wasiirka ayaa sheegay Go’ aankan Xukuumada Ugandha qaadatay uu yahay “irreversible” (Go’ aan dib aan looga noqon doonin.)
Macada in Hadalka kasoo baxay Xukuumada Ugandha uu yahay mid lagu cadaadinayo Qaramada Midoobay oo ay dooneyso dowlada Ugandha inay uga aargudato warbixinta sida weyn u dhaawacday ee la xariirta dalka DRC iyo Jabhada M23, iyo in kale. Waxaana sidoo kale la shaacin xiliga ay Ugandha ciidamadeeda kala bixi doonto dalka Soomaaliya.
Todobaadkan ayuu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay sheegay inuu muddo 3 bilood ah ugu daray ciidamada AMISOM hawlgalka ay ku joogaan dalka Soomaaliya, waxaana hada muuqata in Ugandha ay u gudbisay Qaramada Midoobay go’ aankoodan oo ay kula baxayaan ciidamadooda.
Qaramada Midoobay ayaan weli wax war ah kasoo saarin Warka ay maanta shaacisay dowlada Ugandha. Midowga Afrika ayaan asaguna weli arrintan si rasmi ah uga hadlin.
Madaxweynaha DRC Joseph Kabil ayaa horey ugu eedeyey Ugandha iyo Rwanda taageerada ay siiyaan Jabhada M23
Xiisadan ka dhextaagan Ugandha iyo Congo DRC ayaa kusoo beegmaysa xili Ciidamada Ugandha ee ku sugan dalka Soomaaliya ay laf dhabar u ahaayeen dagaaladii Dowlada Soomaaliya ay la gashay Al Shabaab oo looga saaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo goobo badan oo kamid ah koonfurta Soomaaliya sida gobalka Shabeelada Hoose.
Hadii ay arrintan ka dhabeyso dowlada Ugandha waxaa hubaal ah in wax weyn iska bedali doonaan awoodii ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, taasi oo laga yaabo inay dhaawac weyn ku noqoto dowlada cusub ee Soomaaliya oo ku rajo weyn inay hanato guud ahaa koonfurta dalka Soomaaliya.
Jaraa’ idka dalka Ugandha ayaa arrintan maanta si weyn wax uga qoray:
http://www.newvision.co.ug/news/636994-uganda-to-quit-somalia.html