Shiikh Cali Dheerre ayaa sheegay in ujeedooyinka ciidamada AMISOM ay ula wareegayaan magaalooyinka ay iyagu ka talin jireen ay ka mid yihiin, la dagaalanka Towxiidka, boob loo geysanayo kheyraadka dalka iyo iney gumeystaan dadka muslimiinta ah ee degaanadaas ku dhaqan si diintooda looga fogeeyo.
“Uma suuragelin qodob ka mid ah qodobadaas, towxiidkii waxaa uu ku fiday meel kasta iyo miyiga, magaalooyinkana horey ayey mujaahidiintu dedaal ugu bixiyeen dacwada Islaamka, qodobkii aha iney dhaqaalaha dalka boobaan isna waxaa ka hor taagan mujaahidiinta, waxaana loo diiday fursad ay taas ku gaaraan weeraro iyo dhiig bax ku socda awgeed, qodobka kaliya ee ay wax uga suuragaleen waa iney baabi’iyaan dadka muslimiintaa ah ee ku dhaqan magaalooyinka ay soo galeen” ayuu intaa ku daray Shiikh Cali Dheere.
“Shabellada hoose waxay mareysaa in gaadiidkooda la baabi’iyo ciidankooda la laayo saraakliishoodiina laamiga la waro oo ay ku dul barooraanayaan, ayna isu gurman waayaan, taasina waxay keentay jahwareer sababay iney iyaga iska laayaan saraakiishooda” ayuu intaa ku daray Shiikh Cali Dheere oo intaa ku daray in bilo ka dib ay ka saari doonaan dalka ciidamada AMISOM.
Dhinaca kale, afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu beenoobay hadalo ay saxaafada ka sheegi jireen madaxda dowlada Somalia oo ahaa in ciidamada AMISOM ay u soo gurmadeen shacabka Soomaaliyed ayna yihiin walaalahood.
“AMISOM ineysan maslaxada ummada u joogin dalka waxa cadeynaya waxa gaalada afkooda ka soo baxaya waxaana ka mid ah hadalkii uu jeediyey Yuweri Musaveni ee ahaa in QM waana eedeeysay haddii aysan ka laabana ciidamadeena waan kala baxeynaa Somalia, haddii dan iyo maslaxad Soomaaliyed loo keenay ciidankan maxaa keenay in Ugandha ay tiraahdo ciidankeena waa la baxeynaa haddii QM aysan yeelin sidaan rabno, waxaana tani ay daliil u tahay in cidanka AMISOM ay ka shaqeeyaan danaha QM ee dan Soomaaliyed aysan meesha u joogin.” ayuu intaa ku daray Shiikh Cali dheere.