Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, Richard Onyonka, ayaa ka sheegay kulan looga hadlayey Arrimaha Soomaaliya maalintii Arbacadii la soo dhaafay (Oct 31, 2012), in laga soo billaabo Sannadkii 2007 ay Soomaaliya ku dhinteen Ciidamo Ugandheys ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 2,700. Waxana uu intaas raaciyey in dhinacooda Ciidamada Kenyaatiga ah ee Soomaaliya galay ay kaga dhinteen oo qura 36 askari, Iyadoo Hadalladiisa laga dhadhansan karayey in Ciidamada Waddankiisa Kenya uu ku Ammaanayey in ay ka Tababar wanaagsan yihiin kuwa Ugandha.
Wakaaladda Wararka ee AP ayaa qortay in Uganda aysan weligeed xaqiijin tirada ciidamada kaga dhintay Soomaaliya, Waxana AP ay sheegtay in Afhayeenka Uganda ay la xiriireen si ay uga xaqiijiyaan Tirada uu Wasiirka Kenya sheegay ee Ugandheyska ah ee Soomaaliya ku dhintay, Balse kama uusan jawaabin telefoonnadii ay u dirtey AP.
Dhanka kale, warbixin ay maanta (November 2, 2012) qortay jariidadda ka soo baxda Uganda ee Daily Monitor ayaa sheegtay in Col. Felix Kulayigye oo ah afhayeenka Ciidanka Uganda UPDF uu sheegay in illaa 2007dii ay Uganda iyo Brundi 500 Askari kaliya kaga dhinteen Soomaaliya, Tiradaas oo u muuqata mid aad u yar marka la eego Xaqiiqaha ay Warbaahintu hayso, Waxana Maalin qura Ciidamada AMISOM oo u badan kuwa Burundi Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho looga dilay in kabada Boqol Askari.
Afhayeenka Ciidamada Ugandha ayaa dhanka kale ku canaantay Wasiir-kuxigeenka Arrimaha Dibedda Kenya in uu luqunta la galay Arrimo aanan quseynin, Waxana uu ka dhawaajiyey in Dowladda Kenya ay Warbaahinta ku jeedineyso Arrimo kale Maadaama ay Warbaahintu aad u hadalhayso Ciidamadooda Sannadka ku silcayey qabsashada Degmada Kismaayo ee laga warqabo Masaafada ay Xudduudka Kenya u jirto.
Haddaba waxa Hadalladan ay is dhaafsadeen Saraakiishan labada Dal ay abuurtay Xasaasiyad gaar ah oo durbaba ay Labada Waddan ee Ugandha iyo Kenya kala qaadeen, Waxana haatan Xiisaddan in ay demiyaan ku howlan Diplomaasiyiin Reer Galbeed ah.