Golihii wasaarada oo lagu wareeray Iyadoo durbaba ay soo baxayayaan Cagajugleyn Madaxda Dowladda Soomaaliya uga imaneysa Xildhibaannada Baarlammaanka Soomaaliya ee Beelahooda matala, Waxana ay Xildhibaannadu ku gooddinayaan in haddii Wasiiradan Tirada yar la horkeeno oo ay ka dhex waayaan Beelaha ay metalaan, Ay markaa diidi doonaan Ansixintooda.
Qaar kamid ah Warbaahinta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyo ay sheegeen in ay si hordhac ah u heleen kuwaasoo ku jira Wasiirrada dhawaan la shaacin doono, waxana Magacyada sida hordhaca ah loo shaaciyey ay muujinayaan in Beesha Hawiye ay Wasiirradan cusub ka heleen 2 Wasiir oo mid kamid ah la siiyey Beesha Sacad Habargidir, Halka Beesha Daarood laga siiyey 1 Wasiir oo Beesha Ogaadeen la siiyey, Sidoo kale Beesha Dir/Isaaq ayaa la siiyey 1 Wasiir.
Weli lama oga in Magacyadan sida Hordhaca ah loo helay ay Sax yihiin, Waxase muuqaneysa Caro xoog leh oo ka imaneysa Beelihii iyagu quuddarreynayey in ay wax ka helaan Wasiirrada Soomaaliya.
Kuwan Mahiiga keensaday ayaa ah kuwa aan wax diidi karin laguna biilo gaar ama ilaalo looga hayo qeybo Moqdisho ka mid ah,sidaas daradeed waa iska riyo iyo wax aan diidayaa ,hadii ay wax diidi karaan maxay dalkooda gumaystaha ugu diidi waayeen,ilaahbaa deeq baxshee?