Ictisaam oo isku bedelay Sirdoon!!DHAGAYSO: Nin Sheegtay inuu ka mid yahay Guddi loo Saaray Dilkii Dr Axmed Xaaji Iyo Mid ka mid ah Dadkey Eedeeyeen, Xasan Surato Oo Ka Jawaabaya

Waxaa dhawaan guddi la sheegay in uu baaritaan kasameeyey dilkii  Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan Ilaahay ha u naxariistee ay shaaciyaan magacyada dhallinyaro iyo masawiradooda. Haddaba dad badan oo adduunka daafihiisa ku nool ayaa isweydiinaya dilka Dr Axmed Xaaji  haddii Xarakada Al shabaab lagu eedeeyey, maxay ugu yaraan 10 Qof ay ugu soo direen in ay dilkaas fuliyaan?

Dadka hadda lahayo ama la raadinayo waxay gaarayaan dhowr iyo toban Qof. Qaar kamida hadda waxay sheegeen in sanadkii hore ay Xajka lagutteen Dr Axmed Xaaji. Dadkaas waxaa kamida Xasan Jaamac Surato oo dhawaan warqad ugu jawaabay guddiga baaritaanka dilkii Dr Axmed Xaaji loo saaray.

Waxaa Shacabka Soomaaliyeed ay la yaabban yihiin sida dad 20 qof kudhow ay Xarakada Al shabaab ugu soo dirtay in ay dilaan Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan? Sidaas darteed ayaa dadka badankiisu rumaystay Bayaankii Xarakada Al shabaab ay u dirtay Beesha Leelkase. Bayaankaas oo ay ku beeniyeen in ay dileen Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan.

Bal aan wada dhagaysanno waraysiga Ninkamida guddiga baaritaanka ee uu sheegay Ashahaad- ladirirka Puntland iyo Culimo uu sheegay Puntland in ay joogaan in ay sameeyeen kaddibna waxaan hoos ku daabacaynnaa Waraaqdii Xasan Surato. Waxaa kale oo aad dhagihiinna ku maqli doontaan Xasan Sutaro oo ka jawaabaya baaritaanka ay soo bandhigeen guddiga dilkii Dr Axmed la yiri waa loo saaray.

Dhinaca kale waxaa suurta gala Dad kale oo eedayn gudigaan usoo jeedinaya in ay hadlaan ama qaraabada kuwa gacanta lagu hayo ay waraysiyo bixiyaan.

Dhagayso Nin Gudiga kamida iyo Xasan Surato oo u jawaabaya MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Maqalka Idaacadda VOA. | Bayaankii Xarakada Al shabaab, Codadkii Ama Waraysiyadii wixii dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxmaan laga yiri iyo Bayaanadii Tacsida ahayd, ee Gob-Islam diyaarisay, dhammaan Halkaan Ka Akhri Halkaan Guji Ama Riix

Waraaqdii Xasan Surato oga jawaabay baaritaankii guddiga hoos ka Akhri.

Asalamu alaykum waraxmatulaah  aniga oo ah nin layiraahdo Xasan Jamac (Xasan Surato) oo  ah arday wax kabarta dalka malaysia kana yimid dalka somalia gaar ahaan garoowe Puntland somalia, waxaan kamid ahaa dad lagu soo qoray  warbaahinta somalida qaarkood,sida Shhacabkamedia, kuwaas oo gudi isku magacaabay gudiga madaxabanaan ee dilkii Dr Axmed C/salaan ee aan lahayn tixraaca kuwaas oo sheegay baaritaan dheer kadib dad badan oo aan kujiro inay falka wax kafuliyeen ama qorshaha wax kulahaayeen gaar ahaan aniga qaybta laygu xusay waxa lagu sheegay inaan qorshaha wax ku lahaa  ahaana madaxa aminiyaadka alshabaab ee puntland.

hadaba halkaan waxaan ku cadaynayaa qoraal kooban oo isugu jira cadayn shaqsi ahaan waxan ahay iyo cadaynta warkaan ladaabacayTaariikhdayda oo kooban hadaan xuso waxaan ahay nin kudhashay garoowe kuna barbaaray ilaa waxabarshada dugsiga sare oo aan dhamaystay sanadkii 2005 intaas kadib waxaan noqday macalin school.

sanadkii 2006 waxaan ahaa dhalin yaro raacday koox culimo ah oo aaday muqdishu si ay wax uga ogaadaan maxkamadihii islaamiga ee muqdishu kajiray, wax xil ah kama qaban ciidana kama noqon laakiin kaliya waxaan ahaa mid culimada sar sare ee puntland katimid lanool oo ka ag dhow wixii cadayna culimada baa lawaydiin karaa.

sanadkaas kadib marki ay burbureen maxkamaduhu waxaan kamid ahaa ilaa 50 dhalin yaro kudhowaad kuwaas oo madaxweynihii hore cabdulaahi yusuf allaha unaxariistee uu kasoo baxshay nooligaaniga iyo dhalin badan waxan kunoqonay puntland , waxaana kashaqo bilaabay sanadkii 2007 shirkada dahabshiil garoowe taas oo ilaa 2010 aan ushaqeeyay wixi cadayna xafiiskaa lawaydiin karaa.

bilawgii 2010 dagaalo dhexmaray puntland iyo kooxdii galgala waxaa isoo waajahday warar been abuura ah kaas sheegayay inaa taageero alshabaab ama aan katirsanaa Arintaas oo saamayn badan kuyeelatay dhamaan dadkii tagay maxkamadaha ee kasoo noqday.

intaa kadib waxaan go’aan saday inaan kabaxo dalka si aan waxbarasho dibada ah u aado laakiin kahor waxbarashada,  23 october 2011 waxaan aaday xajka si aan uguto waajibka alle una caawiyo Eedaday oo ila xajinaysay.

waxa xusid mudan in aan wada xajinay oo isla daganayn dad layaqaan oo lawaydiin karo sida islaan ciise islaan maxamed iyo qaar kale oo badan waxa kale oo xusid mudan inaaan wada xajinay shiikh axmed xaaji allaha u naxariistee aniga  waxaan usii joogay Sucuudiga arimo caafimaad.

05 december 2011 aniga oo kusugan magaalada makkah almukaramah ee sacuudiga waxaa lay sheegay warka dilka shiikha waxaana xusid mudan aniga iyo dad aan kujiro inaan  xajka uga ducaynay shiikha iyo in lahelo cida kadambaysay dilka, Arinkaas kaas oo xanuun badan u geysatay bulshadeena iyo cidkastaoo muslim ah.

aqoontaan ulahaa shiikha marna isma lahayn waad waayi doonta ,  hadayba tiisa noqotayna isma lahayn adiga lagugu tuhmin  .  hadiiba lay tuhmay ilay bini aadam baan ahaye isma lahayn adiga oo aan waxba lagu weydiin ama hadaan maqanahay lay heli karay  warbixintayda ama familkayaga la oran karay dood baan uqabnaa ee hayimaado ama layla soo xiriiro.

laakiin nasiib daro madhicin taasi iyo wax baaritaan ah oo lay weydiiyay aniga iyo familkay  mana wanaagsana qof muslima in sharaftiisa sidan loogu xad gudbo iyo karaamadiisa mida kale oo laygu been abuurtay waa inaan ahaa madaxa amniyaadka alshabab ee puntland aniga oo ay cadahay inaanan waligay alshabaab kamid noqon taageerin wax xiriir ahna la yeelan

waxana la og yahay waqti walba meeshaan kusugnaa ama kashaqeeynanayay noloshayda kadib xajka waxaan imid malaysia 21 janaayo 2011 halkaas oo aan jaamacad kawado hada hadaba gabo gabadii:-

1:  waxaan cadaynayaa in aanan  alshabaab katirsanayn kana hayn wax xil ah sida aminiyaad iyo waxa lasoo qoray.

2:waxaan beeninayaa in aysan jirin wax lug ah oo aan kulahaa dilka shiikhii allaha unaxariistee

3 :waxaan cadaynayaa inaanan wax shaqo ah ku lahayn aqoonin dhamaan dadka loo haayo dambiga dilka shiikha

marka laga reebo wiilka layiraahdo axmed mohamed cali oo aan isaga oo yar aqaaanay ayna aragiisa iigu dambaysa 2006 garoowe

4: waxaaan  cadaynayaa inaa diyaar u ahay in aan tago goob walba ay joogto cid wax cad igu haysata dalka dibadiisa

ama gudihiisa sida bosaso ilaa galdogob si aan sharciga ugu kala baxno

5: waxaan kadigaya in lasameeyo video dad lacabsi galiyay ama been abuura sida hada  kahor dhacday taas oo ay isticmaalaan marar badan kooxaha soomaaliya kudagaalama .

6: waxaan ugu baaqayaa qaraabada shiikha in ay sigaara u fiirshaan  arinkan ladaabacay  si hadii wax tuhun ah layga qabo aan ugar baxo hadii kalana raali galin laga baxsho bulshadana loosoo bandhigo

7: waxaan codsanayaa in lawado aaana laga daalin baaritaanka dilkii shiikha si cadaaladaiyada oo laga fiirsanayo wax walba lagana dheeraado war layska daabaco cadayn la aan iyo tixraac

8: waxaan cadaynayaa inaysan dhaawacayn sharafta iyo karaamada aan kuleeyahay bulshadayda aan jeclahay warar been abuura oo cida faafisay iyo cadayntoodana lahayn.

9: waxaan kudadaalayaa inaan sharci ku kala baxno dadka imadax goostay.

10 : dhamaan umada soomaaliyeed waxaan kacodsan in loo duceeyo in allah kashifo cida sida dhabta ah uga dambaysay ama fulisay dilka shiikha allaha u naxariistee haday yihiin kuwo lahayo iyo haday yihiin kuwo kaleba.

Wabilaahi towfiiq

Mahadsanidiin-Shacabkamedia

Wixii faahfaahin ah ama ubaahan cadayn intaa kabadan waxaan u ahay diyaar marwalba iyo meelwalba ee igala soo xiriir Emailka hoose.

Email: xasanjaamac@hotmail.com 

XIGASHO SOMALIMIDNIMO

Shabakadaha Ictisaam ma Dambi-baarista Puntland bey isu Beddeleen? Maxayse Shahiid Cawlaqi iyo Shabaabka ugu Diganayaan?

amiirnuur.comIlaah baa mahad leh. Ammaan iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Ciid Mubaarak. Waxaan Ilaahay kabaryayaa inuu naga aqbalo Acmaasheenna teeda wanaagsan. Sidoo kalana Ilaah soo celiyo Shareecadiisii lagu xukumi jiray dhulka una gargaaro Muslimiinta guud ahaan iyo Mujaahidiinta.

Waan fahmi karnnaa danta reer Galbeedku ka leeyihiin soo-deynta akhbaarta ninka jaajuuska ah ee u dhashay Denmark, Morten Strom, laakiin waxaa isweydiin leh muxuu yahay hadafka shabakadaha Ictisaam iyo Ictisaamku ka leeyihiin faafinta akhbaartaas? Xaggeyga, labada kooxood waa isku dan! Reer Galbeedku waxay rabaan inay shaki kala dhex dhigaan Mujaahidiinta! Waxay rabaan in laga shakiyo qof kasta oon ku waddan ahayn hadba Mujaahidiinta meel u badan! Taxaddarku dhib ma leh laakiin eedeyn iyo tuhun aan caddeyn loo heyn waa arrin ku xun Islaamka iyo waxyaalaha dadka kalaba degsadaan. Waxa qalbiga ku jira Ilaah keliyaa og! Inkastoo ciddii jaasuus ah ay soo bixi doonto oo Ilaah kashifi doono haddana ma jirto qaab loo tuhmi karo qof aan arrintaas lagu helin.

Ictisaamku waxay u dhaqmayaan xuunshada oo kale. Xuunshada iyo Xayawaanka qaarkood ma dilan karaan ugaar! Waxay ka qaraabtaan raqda ay ka tagaan libaaxyada, shabeellada, haramcadka, iyo ugaarsato kale! Ama xayawaanka iska dhinta. Waan ogayn in Ictisaam aysan wajihi karin Shabaab sidaas darteed waa iyadii dad Ictisaam sheegan jiray sida Axmed-madoobe, Bashiir Salaad, Axmed C/Samad u raadsaday kaalmo Kenya, Ugaandha, iyo Itoobiya! Waa tii kal hore ina Iley ku shiriyey Ictisaam Jigjiga! Yuu ina Iley u shaqeynayey markaas? Zenawi!.

Waxaa ka horreysay in safiirkii Maraykanka u fadhin jiray Kenya, MichaelRenneberger, la geeyey masaajidka Abu Bakar As-Sidiiq ee ku yaal Minnesota! Waatii dhowaan C/Raxmaan sheekh Cumar lahaa: isaga iyo Bashiir Salaad baa la shiray Xasan sh. Maxamuud intaan madaxweyne loo dooran? Maxaa C/Raxmaan sh. Cumar ula shiri waayey nimanka ay Maraykanka ka wada yimaadeen sida Ina Samatar, Farmaajo, Gaas, iyo kuwa kale? Soow looma fahmayo in Bashiir Salaad iyo C/Raxmaan la socdeen in la soo wado Xasan sh. Maxamuud?.

Waxa iga yaabiyey waxaa weeye markaan arkay dad caamo ah oo faallo ka qoraya qormadii shabakadaha Ictisaamka ee ku aaddanayd Shahiid Cawlaqi. Ilaahay cidna uga tazkiyeynmeynno laakiin waxaan u rajeyneynnaa Shahaado! Dad dhul gaalo joogo baa la yaabban nin Maraykanku dilay dhulkiisii? Xaggee Cawliqi lagu dilay? Maxaa loo dilay? Maraykanku marna ma oran waxaan ku heysannaa daroogo ama wax kale! Keliya waxaa lagu heystaa diin! Iyagu waxay dhahaan xag-jirnimo! Cawliqiga saas loogu diganayo waxaa dhici karta in naftiisu dhex duuleyso Jannooyinka Ilaahay!

Dadka wax-ma-garatada ah ee faallooyinka qoraya waxay qiil ka dhigtaan in Al-Qaacidda iyo Shabaab aysan khibrad badan lahayn haddayba khiyaamayaan jawaasiis uu ka mid yahay kan u dhashay Denmark iyo wax la mid ah! Qaar waxay leeyihiin muxuu Cawliqi u guursanayaa haweenay Yurub joogta?

Waxaysan cawaantaasi ogayn in dhagar la isu dilaa ku dhacday dad intaas oo jeer ka kheyr badan Al-Qaacidda iyo Shabaab – Saxaabadii Nabiga (SCW). Xitaa Suubbanaha (SCW) baa la isku dayey in dhagar lagu dilo! Xaqiiqdii Ictisaamka waxaa igala hal adkaa gaalkii Kacab binu Ashraf! Ma naqaan wuxuu Kacab binu Ashraf yiri markii la dili rabay? Wuxuu yiri:

( إن الكريم إذا دُعي إلى طعنة بليل أجاب

Qofka Kariimka haddii loogu yeero dil/turqid habayn joogta wuu yeelaa!

Ilaahay idin doori maxay shacabka khaldayaan! Soow Ictisaam maaha cidda akhriya qisadii Bi’ru Macuunah! Markii Caamir binu Maalik ku yiri Nabiga (SCW): haddaad nagu dari lahayd dad diinta na bara waa fiicnaan lahayd! Nabigu (SCW) isagoo dareemaya dhagarta reer Najdi buu ku daray 70 saxaabadii Qur’aanka aad u taqaannay ah! Naf-huriddu waa nooc ka mid ah dacwo-faafinta! Muxuu ku dhawaaqay markii waran lagu turqay Xaraam binu Milxaam (RC)?

فزت ورب الكعبة

Ma Muslimiin gaalo ku leyneyso diyaarado oo laga yaabo inay sida saxaabigaas ugu farxeen baa hadda Ictisaam ku diganayaa? Insha Allaahu, Ilaahay waa muujin doonaa in Ictisaam badan jawaasiis yihiin! Qaarkood waa la hubaa! Qaarkoodna wa kuwaas xafladaha Amisom ka khudbeeya! Haddii saxaabadii dhagarta lagu dilay ay dhimashadooda liibaan ku sheegeen; soow muslimkii dhagar lagu dilo oo diin loo dilo filan maayo liibaantaas oo kale? Mise Ictisaamkaa bixiya shahaadada lagu galo janada ama midda Jihaadka?! Insha Allaahu waxaan filayaa in madaxyoweynta Ictisaamku u dhiman doonaan kansar, dhiigkar, sonkor, shil baabuur, duumo, iyo cudurro kale dabadeedna iyaga iyo Muslimiinta Shahaadada loo rajeynayo  ku doodaan Ilaahay hortiisa!

Waxaan raacinayaa arrin kale oo darsi ugu filan cawaanta ay Ictisaamku khaldayaan! Soow Nabigu (SCW) ma aqbalin hibo uga timid haweenay Yuhuud ahayd oo rabtay inay sumeyso? Soow suntaas kuma dhiman saxaabi? Soow Nabiga (SCW) laftiisu kuma sumoobin? See la iskaga ilaalin karaa qof muslim sheeganaya haddiiba gaaladii lala mucaamaloonayo? Haddii caqliga Ictsiaam la fiiriyo; waxaad mooddaa inay eedeynayaan saxaabigii ku dhintay hilibkii sumeysnaa oo ay leeyihiin: muxuu u cunay hilib haweenay aan la aqoon ama aan muslim ahayn keentay!

Dhammaad

Qoraalkeyga xiga haddii Ilaah idmo wuxuu noqon doonaa: Goormaa Shabakadaha Ictisaamku noqdeen Dambi-baaristii Puntland? Aaway ehelladii dadka ay sawirradooda meelaha ku soo dhejiyeen? Iyagoo is leh difaaca sheekh dr Axmed Xaaji (AUN) ayey noo soo gudbiyeen wiilal ku fadhiya kuraas qurxoon oo hadlaya! Ilaa hadda ma arag meel shabakadihii qabiilka sheekhu ku dhashay arrintaas ku qoreen ama xitaa kuwa ku hadla afka Puntland! Goormay Ictisaamku noqdeen buun ay yeeriyaan dambi-baarista Puntland? Marka waxaan soo hormarinayaa qoraal gaaban oo ku saabsan arrintaas haddii Ilaah idmo laakiin waa arrin u baahan baaritaan! Waxaan isku dayeynnaa inaan la xiriirnno dadka sawirradooda meelaha lagu xardhay. Marka la socda qormada dambe insha Allaahu.

F.G. Sanado hore ka hor baan ka cududaartay qaabka qoraalladeyda! Waxaan sheegay inaanan ku khasbaneyn inaan u qoro sida dadka badankiisu wax u qoraan! Sidaas darteed waxaan dib u dhigtay qeybta hore ee cinwaanka!

C/Waaxid C/Laahi Khaliif