Waxaa la yiri, xaraf alifka ku halaabay albaqra kuma hagaago, sow murugo iyo rajo xumo kuuma soo baxayso dawladda khilaafka ku bilaabatay ee waliba intii ay is dhuubi lahaayeen oo wax kasta ka hormarin lahaayeen inayna qayladoodu dibadda u bixin oo si hoose u xalistaan, hadiiba ay gaarto in dad shisheeya ah uu soo kala dhex galo oo is faham la dhex dhigo. Sow naxdin ma aha ragga bilawgiiba heshiin waayay, kaagaba sii darane ee dad qalaad heshiisiinaayo sidii qolyihii ka horeeyay ee kumeel gaar ahaa.
Haatan dawladda Soomaaliya way ka baxday xiligii ku meel gaarka, waxaana jira Baarlamaan, Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, waxaana la sugayaa oo loo fadhiyaa helitaanka xukuumad tayo leh oo dalka ku hagta cadaalad iyo sinaan afarta sano ee soo socota, waxna ka qabata musuqa iyo amaan xumida, soo celisa kalsoonidii shacabka ee dhuntay, abuurta jawi wada noolaansho Soomaalida kala irdhawday dhexdeeda, la xisaabtanta shisheeyaha damaaciga waalan ee hawadii, baddii iyo barigiiba macaashka waalan ka samaynaya.
Rajadaa iyo iftiinkaa aan kor ku xusnay waxaad dib u liqaysaa markaad xog ogaal u noqoto waxyaalaha ka socda Villa Soomaaliya oo ay ku suganyihiin sadexdii masuul ee dalka ugu sareeyay. Ka waran hadii ay isku mari la’yihiin tiridii ay ka koobnaan lahayd xukuumadda la sugaayo in la dhiso, hadda lama gaarin magacyadii wasiirada iyo wasaaradaha ee waa tirada wasiirada, ma 9, ma 14 mise 18.
Hadii ayna sida ugu degdegga badan wax ka badalin qaab dhaqanka ay wax ku bilaabeen, isla markaana ay sii wadaan khilaafaad soo noqnoqda, markaasi wuxuu dalku halis ugu jiraa inay beesha caalamka tiraahdo Soomaalidu isma xukumi karto ee waa in la xukumaa, ileen waa dhurwaa sidii uu doonaayay usha loogu dhuftaye. Hadii aad qabtay rajada ah in Soomaaliya ay qaaday dhabihii dawlad nimada, isla markaana ay kuu baxaayeen ileys ah in Soomaaliya ay qayrkeed dhinac ka raacayso, hadana ku darso hadii aan Alle xaqa iyo wanaaga iyo is fahamka garan siin madaxda dalka rajo xuma muuqata oo ku aadan in Soomaaliya si joogta ah loo kala diro ama loo kala qaybsado.
Tooshka wareega ee Shacabkamedia wuxuu ka digaayaa khilaafka ka soo ifbaxay dawladda aan waliba socodka baran, waxuuna ku talinayaa in caqliga la kaashado oo la iska hilmaamo qabyaaladda, nin jeclaysiga iyo tayda mooyee tukale ma jiraysada gabiga dheer ka sii tuuri karta mustaqbalka dalka iyo dadka. Waa in loo noqdaa wada tashi ku salaysan tixgalinta aaraada iyo fikradaha kala gadisan oo dhan, iyo wax kasta ka hormarinta maslaxada guud ee dalka iyo dadka taasi oo gundhig looga dhigayo sidii loo soo celin lahaa hanaan ay si tartiib tartiib ah dawladdu kula wareegayso masuuliyadeeda ay hadda gacanta ku hayaan wadamo shisheeye, si taasi loo xaqiijiyana waa in ugu horayn la istaajiyaa ciidamo qaran oo cudud leh ka hor inta aan meelo kale la gacmo gacmaynin.