Obama oo ku dhawaaqay in wadanka Mareykanka uu soo wajahay bur bur baaxad leh iyo qasaaraha oo sii kordhaya.

Kadib duufanno iyo daadad xoogan oo ku dhiftay deegaanno badan oo dhaca xeebaha bari ee wadanka Mareykanka ayaa waxaa saacadba saacadda ka dambeysa isa sii taraya qasaaraha ka dhashay daadadka iyo duufaannadasi iyadoona dowladda Mareykanka ay arinkaasi war rasmi ah ka soo saartay.

Deegaannada kala duwan ee daadadkaasi ku dhifteen ayaa wararkii ugu dambeeyay  ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka waxaa ay sheegayaan in dhimashada ay ilaa hadda  gaareyso 20 ruux iyo bur bur aad u xoogan.

Dhanka kale Madaxweynaha wadanka Mareykanka Barack Obama oo qudbad kooban jeediyay ayaa ku dhawaaqay in wadanka Mareykanka uu soo wajahay bur bur baaxad leh oo ka badan intii la qiyaasayay.

Obama oo ku guda jira ololaha doorashada ee dalka Mareykanka islamarkaana wajahaya baratan xoogan oo kaga imaanaya siyaasiyiin rug cadaay Mareykanka ah ayaa u muuqda mid rajadiisu ay dhulka sii galayso maadaama uu siyaasad ahaan mugdi geliyay dalkaasi islamarkaan malaayiinta Americanka ah ee ku dacdareysan bannaanada ee duufaantu guryo la`aanta ay dhigtay ay ka sugayaan gurmad taasi oo u muuqata mid aanay gacan bani`aadam waxba ka qaban Karin waxa ku dhacay Mareykanka waxaana la filayaa in arintani siyaasad ahaan isbadal weyn keento islamarkaana  malaayiinta Mareykanka ay ka fiirsadaan noloshooda Mustaqbalka iyo halka ay ku dambeyn doonto.

Inta badan xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira deegaannada ay hareeyeen daadadka iyo duufannada ayay adagtahay in laga helo warar dhab ah  maadaama ay dowladdu qarinayso arinkaasi islamarkaana warbaahinta ay u diiday inay meelaha qaar warar ka soo tebiyaan.