Hoggaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dabayaaqadii sanaddii 2011 ku dhawaaqay in waxbadan laga bedelay qaab dagaaleedka mujaahidiinta ee magaalooyinka waaweyn.
Mujaahidiinta Somaaliya waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin awoodaha islaamiga ee ugu tunka weyne caalamka islaamka waxayna ku sigteen in ay ridaan xukuumad dabadhilif ah oo reer galbeedku usoo wakiisheen dagaalka geeska Afrika ka socda.
Ciidanka Xabashida Itoobiya markii ay isaga bexeen Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee Somaaliya horraantii sanaddii 2009 ayay ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan waxay heleen taageero dhan walba ah oo uga imaanaysay wadamada reer galbeedka ee qeybta ka ah xamlada ka dhanka ah muslimiinte ee Argagaxisada loo baxshay.
Mujaahidiinta Somaaliya oo taageera xoogan ka helayay shacabka Somaaliyeed ayay usuurtagashay in ay la wareegaan inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho kadib markii ay kula dagaalameen maleeshiyaad taabacsanaa Dowladdii KMG-ka ee xiligaasi jirtay.
Intabadan gacan ku heynta muqdisho waxaa lahaa dadka muslimiinta ciidanka Afrikaanta calooshood u shaqeystayaasha ahna waxay ka badi waayeen in ay hogaamiyaasha DKMG-ka ah ku ilaaliyaan Villa Somaaliya sidoo kale waxay awoodooda isugu geeyeen Dekadda iyo Garoonka Muqdisho oo ay u arkayeen halka ay ku baxsan karaan marka dagaalka looga adkaado.
Dagaalka Muqdisho ayaa kululaaday wixii ka dambeeyay bishii Augst waxaana gudaha magaalada ka bilaawday howlgallo halyaynimo oo halleeyay ammaanka AMISOM iyo DKMG-ka ah waxaana howlgaladaasi laga xusi karaa howlgalkii lagu khaarijiyay Cabdi Shakuur oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo howlgalkii kale ee Harkaha iyo saamaha ka dhacay halkaasi oo ay ku baxeen jawaasiis farabadan.
Dagaalkii Dayniile Wuxuu AMISOM Tusiyay Natiijada Isfidinta.
Mustaqbalka AMISOM ayaa mugdi galay wixii ka dambeeyay 21,October,2011 xiligaasi waxaa dhacay dagaalkii taariikhda galay ee loogu magac daray macrakadii Dayniile,halaagga aadka u daran ee ciidanka Afrikaanta ka gaaray dagaalkii Dayniile waxaa sabab u ahaa qorsha xumada dagaalkooda iyagoo si qar iska xoornima ah ciidankooda oo aan dheg laqabta lahayn ugusoo diray xaafadaha Dayniile.
25,May,2012 sanad kadib ayay ciidamada AMISOM ku dhaceen khalad kale oo dhanka dagaalka ah kadib markii ay duulaan kusoo qaadeen Dayniile iyo Ceelasha Biyaha waxayna gaareen degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho.
Isfidinta AMISOM waxay fursad weyn u tahay muslimiinta Somaaliya ee dagaalka kula jirta maadaama ay helayaan jaanis ah cadawgooda is fidiyay ku baacsadaan, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa naqatay meel lagu beegsado gaadiidka cadawga waxaana ka dhacay inkabadan 100 weerar oo qaarkood lagu dilay saraakiil sarsare oo DKMG ah katirsan.
Wixii xiligaasi ka dambeeyay oo AMISOM banaanka ugasoo baxday Muqdisho waxaa ku bilaawday dagaal jabhadeyn ah oo halis ah waxaana wiiqmaya dhaqaalaha ku baxa howlgalada AMISOM,gaadiidka dagaalka,khasaaraha bashiriga ah iyo wadooyinka oo isku bedelay meelo halis badan oo qaraxyo iyo dhabagallo hareeyeen.
Abuu Zubeyr: AMISOM Waxay wajaheysaa Dagaal Jabhadeyn ah wayna ku jebi doontaa.
Hoggaanka mujaahidiinta Somaaliya ayaa shacabka Somaaliyeed ugu bishaareeyay in is fidinta AMISOM uu kheyr badani kujiro muslimiintuna ay ka faa’iideysanayaan fursaddan ay cadawgooda ku dili karaan.
Amiirka XSHM Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo bilo ka hor kalimad jeediyay ayaa muujiyay sida mujaahidiintu ugu diyaar garoobeen marxaladda cusub ee dagaalka.
Cadawga AMISOM waxay isku ballaariyeen dhul dhan 220 KM oo kala ah sidan 30 KM Balcad, 100 KM Marka,90 KM Balli doogle, masaafada intaasi la eg waxay u baahatay takliif dheeri ah oo dhanka saadka,ciidanka,istiraatiijiyad iyo waqti ah, khubarada Milleteriga ayaa aaminsan in AMISOM ay ku dhacday dabin halistiisa leh.
Bishan October gudaheeda weeraro 20 ka badan ayaa ka dhacay Ballidoogle iyo Yaaq Bariweyne waxayna AMISOM ku waysay gaadiid dagaal iyo Askar farabadan, waxaan xisaab lahayn tirada ka dhimtay maleeshiyaadka Somaalida ee ka hoos shaqeeya quwadaha shisheeye ee Afrikaanta ah.
Fuuq Baxa Dhaqaalaha Reer galbeedka iyo Marxaladda cusub ee AMISOM.
Dhibaatada dhanka maaliyadda ee ku dhufatay qaaradda Yurub iyo America ayaa saameyn xun ku reebi doonta dhaqaalaha tirada badan ee gaalada adduunka ku bixiyaan duulaanka Somaaliya lagusoo qaaday ee Ashahaadda ladirirka ah.
Gariigga,Spain,Italy,Biljamka,Jarmalka iyo Mareykanka ayay ka dhaceen kacdoonno lagu diidanyahay mixnaddan dhanka maaliyadda ah waxaana hoos loo dhigay qoondadii dhaqaalaha ee loogu magac daray “taageerada dibadda”,Al-qaddafigii AMISOM taageeri jiray ayaa isna Ifka ka tegay.
Askarta Afrikaanta ee Somaaliya ku sugan ayaa bil walba qaadan jiray lacago mushaar ah waxaana dheeri ka ahaa qarashka ku baxa howlgaladooda balse wixii ka dambeeyay 2011 arrinkaasi waa isbedelay.
Genaraalada ciidanka Uganda oo qeyb ka ah duulaanka Afrikaanta ee Somaaliya waxay bishii September u sheegeen wargeysyada Kampala kasoo baxa in mushaaraadkii ay askatu qaadan jireen uu kala dhantaalmay kadib markii ay korortay masaafada dhulka ay ka dagaalamayaan.
Tabta ay ku socdaan AMISOM waxaa horay ugu jabay kumanaan katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ee Somaaliya kusoo duulay welina ka dagaalamaya.
Shsiheeyaha Somaliya kusoo duulay ayaa u dagaalamaya xaqiijinta danaha gaalada caalamka oo ah in Somaaliya laga dhigo dal lagu maamulo dasaatiirta wahmiga ah shacabka muslimka ahna shareecada laga fogeeyo balse taasi ayaan suuragal naqan doonin bi’idnillaah.
Istiraatiijiyadda ah “Taangiga in lag hor wareego”.
Dagaalka u dhexeeya quwadda nidaamiga ah midda jabhadda ah ee aan haysan hubka taqliidiga ah guushu waxay raacdaan kooxda saanta fudud haddii lahelo laba arrin 1-waa in awoodda jabhadda ah ee aan haysan taangi iyo diyuurad ay isicmaashaa xeeladda ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo weeraro dhabagal ah ayna iska ilaalisaa dagaalka cadawga la hor fariisto “fool ka fool joogta ah”
2-qodobka labaad waa mabaadii’da ay ku dagaalamayaan oo ka dhigaysa kuwa aan laga adkaan karin.
XIGASHO AMIIRNUUR MEDIA.