Guddoomiyaha degmada Dayniile oo dil fakaday”Waxaan ku sigtay inay i dilaan Mooryaan Beeleedka Dowlada oo dadka qaarkiis ugu yeeraan ciidan dowlo”

Guddoomiyaha degmada Dayniile ee dowladda Soomaaliya Daahir Xasan Xuseen ayaa sheegay in uu ka badbaaday fal isku day dil ah oo uu tilmaamay in ay ka danbeeyeen Ciidamo ka tirsan dowalada Soomaaliya, waxaana uu xusay in sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo maalin ka hor lagu dilay degmadaasi ay dilkiisa ka danbeeyeen ciidamada dowaladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.

“Waa Mooryaan beeleed gaar loo leeyahay,mana ahan ciidan dowlo  dhib ayayna ku hayaan dadka Degmadan ku nool”

Daahir Xasan Xuseen oo hadalkiisa siiwata ayaa saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay soo faragaliyaan dhibaatooyin uu sheegay in Ciidanka dowladda ay ku hayaan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Hadalka Guddoomiyaha degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen ayaa imaanaya xilli maalin ka hor degmada uu mas’uulka ka yahay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in ay kharajiyeen rag ku labisan dareyska ciidanka dowladda.

Dadka  ku nool degamada Dayniile ayaa sanooyin haystay nabad iyo nolol wanaagsan meesha hada ay haystaan wax kasta oo xun, sida Kufsi,Dhac,Boob,jidgooyo,Isbaaro,qafaal qarash lagu rabo oo dadka loo qafaasho.

Dayniile ayaa xusuus ku leh dagaalada ka socda gayiga Somaliyeed waana meesha kaliya oo ciidanka  soo duulay looga dilay 150 oo muhiim,sidaasna waxaa Taariikhda casriga ku galay Dayniile oo Amisom u  taqaan Dayniile Side.

Banaadir Post.