Ururka Haweenka”HABRAHA” oo is haysta!!

Waxaa loogu yeero ama loo yaqaan Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa bilaabay is-barbar-yaac, iyagoo u kala jabay labo garab, islamarkaana kala raacay labo gudoomiye,kuwan ayaa intooda badan haween ama habro NGO-yada ka adeegta oo intooda badan aan howlo kale qabsan.

Dadka yaqaan ayaa ka deyrsha kuwan haweenka ah oo intooda badan  da’a ahaan weyn laakin lagu sheego inaysan DIINTA ku fiicnayn taas  oo aad ka garan karto qaabka ay u labisan yihiin.

Kulan 2 maalmood ka hor ka dhacay hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho ayna ka qeybgaleen qaar ka mid ah haweenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa gudoomiye loogu doortay Ubax Tahliil Warsame oo xubin ka aheyd ururkaas.

Markii arrintaas dhacday ayaa waxaa shalay shir ku yeeshay hotelka Naasa Hablood ee Muqdisho qaar kale oo ka mid ah haweenka ku jira uruuka haweenka qaranka, kuwaasoo iyagu ku gacan seyray doorashada Ubax Tahliil Warsame, islamarkaana gudoomiye u doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe.

 

Labada dhinac ayaa mid kasta sheeganayaa in si sharci ah loo doortay, islamarkaana doorashadiisa ay ka qeybgaleen inta badan xubnaha golaha dhexe ee haweenka qaranka.

Gudoomiyihii hore ee uruwuka haweenka Qaranka Soomaaliyed Caasho Geesdiir ayaa xilkaas isaga tagtay kadib dhaawac culus oo bishii Abriil 2012 ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho.

Ururka haweenka Qaranka Soomaaliya ayaa dib loo dhisay intii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed.

Banaadir Post.