Ugu horeyn haddaan sharraxaad guud ka bixino ciidamada dowladda shisheeyuhu dhisay ee fadhigeedu yahay Muqdisho, waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin laba nooc oo kala ah, qeyb lagu soo tababaray dibadda iyo qeyb maleyshiyo beeleed ah oo aanan dalka ka bixin.
Qeyb walbaahi waxa ay leedahay dhaqan iyo astaamo u gooni ah oo lagu garto.
Haddaba maxaa kamid ah dhaqamada ay caanka ku yihiin ciidamada dibadda lagu soo tababaray? Maxayse uga duwanyihiin kuwa maleyshiyo beeleedka ee sidooda oo kale wata shaarka dowladeed?.
Ciidamada dibadda lagu soo carbiyo waxay leeyihiin calaamado durbadiiba lagu garto, waxaana kamid ah in askari walba uu wato astaanta calanka wadankii lagu soo tababaray, taasoo uga sharooteysan jeebka shaarkiisa.
Tusaale ahaan: ciidamada dowladda ee la socda kuwa Itoobiya waxa ay wataan calanka wadankaasi, waxaa kaloo lamid ah kuwa lagu soo carbiyay dalalka Kenya, Uganda, Burundi iyo Nayjeeriya.
Askari walba waxaa laga soo dhaadhiciyay dhaqanka wadankii uu tababarka kusoo qaatay, iyadoo aad arkeyso in mid walba uu usoconayo sida kuwa uu dalkooda ka yimid. Sidaa darteed shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay ciidamadan u bixiyeen (Copy).
Askar walbaahi waxa uu xiiseeyaa heesaha wadanka lagu soo tababaray. Heeso sawaaxili u badan ayaad maqleysaa xilliyada qaar ee aad ag mareyso saldhigyada ciidamada.
Dhaqan ahaan waxaa kaloo lagu soo carbiyay askartan in ay is dulleeyaan kolkey arkaan askari shisheeye. Waxaa loo isticmaalaa furimaha hore ee dagaalada, mana jiro wax mushaar ah oo la siiyo.
Waxaa iigu yaab badneyd dhacdo aan la kulmay sannadkii 2011 xilligaasoo aan ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaan arkay askari Ugandhes ah oo surka ku dhaggan askari ka tirsan ciidanka dowladda oo waliba qorigiisa wata, askarigii ayaa sidii loo sii waday waxaa loo geeyay askar kale oo Soomaali ah oo gawaarida ku nidaamisa afaafka hore ee madaarka.
Waxaa dhacday in isla markiiba ciidamada dowladdu xiraan askarigii Soomaaliga ahaa ee uu Ugandesku u geeyay, iyadoo arintani la yaab ku noqotay dhammaan dadkii goobta ku sugnaa.
Nin oday ah oo is celin waayay ayaa ciidankii dowladda u tagay wuxuuna weydiiyay sababta ay u xireen askariga. Horjoogihii ciidamada ayaa ku jawaabay “Ma naqaano dambiga uu geystay, laakin annaga Amisom ayaa noo dhiibatay, waqtiga ay hala daayo yiraahdaan ayaan sii deeneynaa”. Durbadiiba waxaa goobta ku ooyay ninkii odayga ahaa oo iigu muuqday inuu yahay nin aqoon leh oo waayo badan usoo joogay.
Ciidamada kaliya ma ahan waxa dullinimada ku nool ee waxaa kaloo jirta in xitaa madaxdooda ay isku dulleeyaan saraakiisha shisheeyaha.
Eeg sawirka hoose, waa hogaamiye kooxeedka Axmad madoobe oo aad isku dulleynaya, isagoo sheegta Genaral ayaa bacaadka la fariisiyay, halka saraakiisha Kenya ay fadhiyaan kuraas.
Akhlaakhda Ciidamada Dibadda Lagu Soo Tababaro.
Waxaa akhlaaqdooda kamid ah, xishood la’aan, kufsi, la dagaalanka shacaa’irta islaamka, dhac, boob, baad. Intaa waxa sii dheer in ay shacabka ku caayaan kalimado aad u fool xun oo ay soo barteen mudadii ay tababarka ku jireen.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxay caan ku yihiin isticmaalka muqaadaraadka sida:- qaadka, sigaarka, xashiishka, calaqa, khamriga iyo kuwa lamidka ah.
Waxaa kaloo jira ciidamo kuwan ka ag dhaw oo u shaqeeya shirkadaha ajnabiga iyo hey’adaha sirdoonka gaalada, kuwaasoo isu ekeysiiya askarta Mareykanka.
Ciidamadaas oo la baxay Bs-, shacabkuna u yaqaanaan (ashahaado la dirir) ayaa waxay maalin walba beegsadaan dadka sunadu kamuuqato.
Sida horudhac qormada aan kusoo sheegtay, waxa kale oo jira ciidamo dowladdu leedahay oo aanan dibadda lagu soo tababarin.
Ciidamadaasi waxay kuwa kale kala mid yihiin arxan darrada, waxayna uga duwanyihiin inaaney iyagu si toos ah ugu shaqeyn shisheeye.
Waa ciidamo iskood u qaraabta, qaarkood waxay ilaaliyaan saraaakiisha dowladda, halka qaarna ay ka shaqeystaan isbaarooyinka iyo meelaha lamid ah.
Ciidamadan ayaa waxay shacabku u yaqaanaan magacyada (calal uus) iyo (marya calas).
Wd: Wariye CabdilFataax Maxumad Qaasim.