Amiirka ugu Sareeya Mujaahidiinta Soomaaliya Sh.Mukhtaar Abu Zubeyr oo Munaasabadii Ciida kalimad hambalyo ah u jeediyay bulshada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo quseeya Xaalada Wadamada Muslimiinta guud ahaa iyo Gaar ahaan Soomaaliya iyo sidoo kale Halganka Jihaadka ah ee ay dadka Muslimiinta ku jiraan.
Sh.Abu Zubeyr ayaa sheegay in Wadamada reer galbeedku ay marayaan Xaalad aad u liidata sababo la xiriira dhaqaalo darro xoog leh oo haysata awgeed, sidoo kale Yuhuuda Xooga ku qabsatay Falastiin ay soo wajahday Cabsi dhanka ammaanka ah tii ugu xooganeed kadib markii ay hoobteen Madaxdii dabadhilifyada u ahaa ee ka talinayay Wadamada carabta.
Sheekha ayaa soo hadal qaaday Duullaanka ay Cadawgu kusoo qaadeen Soomaaliya isagoo sheegay in Gaaladu ay khalad Istiraatiiji ah galeen markii ay Kenya dagaalka soo geliyeen taas oo uu sheegay inay tahay arin ay weligood ka qoomamayn doonaan, qabsashada Kismaayana aysan noqon doonin wax ay farxadeeda cadawgu kusii nagaadaan.
Ciidamada Shisheeyaha ah ee isku magacaabay Amisom ayuu ku sheegay inay ku fashilmeen duullaankii ay Wilaayaat-ka Islaamiga ah kusoo qaadeen isagoo sheegay in Maamulladii Islaamiga ahaa ay weli sidoodii u taaganyihiin oo ay shaqaynayaan cadawguna uusan dhaafsiisnayn Magaalooyinka kooban ee uu qabsaday, sidoo kale Qabaa’ilkii Muslimiinta ahaa ay Mujaahidiinta la safteen.
Amiirka ayaa sida caadadiisa ahba waxaa kalimadiisa ku jira Gabayo dhowr ah oo xiiso badan kuwaas oo u ku cabirayo xaqiiqada xogta uu ka waramayo, wuxuuna ugu Dambayn Baaq u jeedinayaa Qabaa’ilka Soomaaliyeed isagoo kula talinaya in aysan Gumaysiga madoow isku dhiibin taariikh xumana usoo jiidin dadkooda Soomaaliyeed balse ay hubka qaataan kaalinta ay Muslimiinta ugu jiraana kasoo dhalaalaan.