Intii ay burburtay Dawladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa la burburay dhamaan adeegyadii kale ee dadku isticmaalayey sida Bangiyada, intii ka dambeysay burburka dalku wuxuu ladaala dhacayey hoos udhac ku imaanayey shilinka Soomaaliga iyo sare ukac ku imaanayey maciishada ay dadku quudanayeen, lacagtii ayaa qiima dhacday waxaana dalku uu lamid noqday sida dalal kale o African ah sida Zambia.
Markii laxiray al-barakaad oo ay ku jirtay Bangigii al-barakaad, oo waaya dhawayd laga qaaday xanibaadii, waa bilowday in shirkadii ay ka wareegto milkiilihii lahaa oo ay uwareegto sheerer iyaguna kusocday magacyo wadaado, iyadoo laga wareejiyay satellite kii horey loo isticmaalayey lana xirtay satellite yo kala duwan, iyadoo shirkadii loo qaybiyay 3 qaybood loona kala bixiyay 3 magac oo kala duwan oo aan muujinayn magac islaami ama magac islaam asal kuleh:
1. Hormuud: Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo ah tan ugu shafka wayn markii loo ego 2 kale.
2. Golis: gobalada bari ee soomaaliya ama puntland markii lagu daro cergaabo (sanaag).
3. Telasom: Gobalada wuqooyi galbeed (Somaliland) markii lagu daro Laascaano (sool).
Sadexdaas shirkadood waxay ahaayeen hormuudka shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ama hadaba ay yihiin, markii hore soomaalidu waxay uhaysatay ama ayba umuuqdeen shirkado aan isku xirnayn balse waayadii dambe ayey bilaabeen inay isku xirmaan ama ay isku gudbaan.
Shirkadahaas asalkooda cida aas aastay ama si dhab ahaan uleh lama yaqaan mana labaari karo, hadii aad sii qodqodana waxad arkaysaa in shirkadiiba ay leedahay kumanaan qof oo share ka ah.
Markii ribxigii batay faa’iidadiina lamaalay ayaa waxaa so dhex galay shirkadii shirkado kale oo ka leexiyay jihaayinkii wanaagsanaa ee ay qabanayeen shirkadahaas oo ladhihi karo waa kuwo qarsoon oo calooshood ushaqaystayaal ah lakin wata hadaf wayn oo umadan burinburinaya.
Sida dadku wada ogyihiin waxaa lafuray adeegyada SAHAL iyo ZAAD oo ka hawlgalay Soomaaliya iyada oo hada aan sii gali Karin furitaankooda iyo arimo kale, balse waxan gudaha usii galaya dhibaatada.
Adeegyadaas aan kor kusoo xusnay way bilaabeen taxadar la’aan inkastoo lakeenay cadaan aad khibrada uyaqaan lakin taxadarka ugu wayn ee ay soomaalidu ka fakarin waa inta lagu shuban karo adeegaas.
Waxaan ahay qurba jog waan ka maqnaa dhulka intii ay shaqaynayeen adeegyadaan balse ehel iyo asxaaba ayaa iijoga Soomaaliya oo waan la xiriiraa.
Balse dhibta jirta ee ka siman yihiin ayaa ah in lacagta lagu shubanayo ay tahaydollar oo lawada ogyahay dhibta uu ku hayo caalamkaan.
Adeegyadaas in badan oo dalalka hor maray kama jiro mana isticmaalaan waxa ubadan Africa oo isticmaasha, waxaa nasiib daro noqotay in lacagtii soomaaliyeed ee shilinka ahayd ay meesha ka baxday gabi ahaan.
Dhibaatooyinka lataaban karo ee ay geesteen ayaa ah in gabi ahaanba la iska daayey lacagihii jeebka lagu qaadanayey ama guriga ladhiganayey ama Bankiga lagu shubanayey iyadoo aad arkayso inayba ku faanayaan nimanka hindisay adeegydaan in dadkii ay ka kaaftoomeen sadexdaas aan soo xusey ee Jeebka iyo accounka iyo guriga.
Waxad arkaysaa in dadkii oo dhami ay wax ku kala iibsadaan adeegyadaas, taas oo lacacgtii aadan cash ahaan uqaadanayn ee sawir ahaan ay uga dhex muuqanayso mobile ka, taas oo dhibaatooyin badan ay dadku kala kulmaan iyadoo dadka qaar ama dadka aan haysan lacagta ee habeen iyo malin ku fakaraya siday udhici lahaayeen dadka lacagta haysta ay sameeyaan messageyo been abuur ah oo u eg kan tilmaamaya lacagta kuugu jirta iyadoo halkaas ay ka gaystaan khalkhal dadka qaarna ayba ku dhacaan oo faa’iido kaga helaan.
Dhibaatooyinka lataaban karo ee jira ayaa waxaa kamid ah in aan loo samayn accountikaas lacag xadidan oo limit leh oo qofku uusan dhaafin Karin iyadoo larabo shirkadu inay fiiriso waxyaalo badan oo jira, sidaa darteed ayaa khaladka ugu wayn uu noqday in dadka qaar ay ku shubanayaan 100,000 $ oo aad layaabayso sida loogu shubayo ama logu kaydsan karo qofkaasna aad layaabayso aaminaada intaas la’eg ee uu ku qabo accounkaas, nin ayaan kala hadlay gudaha Soomaaliya anigoo ka waraystay xadid la’aanta lacacgta, wuxuu iisheegay in hadiiba lacagtu ay qormayso yacnii digit ay leedahay lagu shubayo malaayiin dollarba hagaartee, waa arin yaab badan maxay samaynaysaa shirkadu haday kuwada go’do lacagtaas?
Waxaa ka dhacday gudaha Soomaaliya gaar ahaan labada adeeg ee Golis iyo Telesom mid kood anigoon jeclayn inaan garaafe gaysto, in nin uu ka buuxsaday wuxuu lacag hayey kadibna inta burcad ay qabsadeen ay ku khasbeen inuu sheego PIN ka accounkiisa markii uu diidayna Toorey ama mindi gacmeed laga galiyay dhagta kadibna uu sheegay kadibna laga xawishay dhamaan wixii ku jiray kadibana laga sariftay (laga soo saaray), iyadoo ninkaas one Second oo ku cayroobay.
Tusaale ahaan waxan la xiriiray Kenya oo aan ka waraystay adeega ay isticmaalaan oo lamid ah kan ZAAD iyo SAHAL, waxay isticmaalaan adeega MPESA oo isagana ah adeeg lacacg lagu shubto balse ka duwan kan ka jira soomaaliya, maxay ku kala duwan yihiin?
Kan Kenya wax uma dhimo lacagta dalka oo dalka caadi ayaa lacagta lookala qaataa, loo sarifaa guryahana ladhigtaa bankiyo badan ayaa ka jira, sidoo kale saamayn kuma yeesho in wax lagukala iibsado shay kasta,s oo meelaha qaar hadii aad tiraahdo MPESA wax iiga iibi waa lagugu qoslayaa kadibna waa lagu xiranayaa.
Waxaa kaloo kamid ah in adeega MPESSA la xadiday inta lagu shuban karo laguna kaydsan karo iyadoo ay ahayd awal in lagu shubi karo lagana diri karo 70,000 Ksh oo kaliya oo udhigmata wax aan gaarin 1000$ iyadoo hada lay sheegay inay ku dareen oo ay gaarsiiyeen 100,000Ksh ah oo udhigmata 1300$ iyadoo intaas oo dhami shirkada Safaricom ay muujinayso taxadar ah waxay ay bixin karto hadii ay dhacdaba khalkhal kuyimaada adeegaas ama ay dhacdo in lacago ay lumaan iyado dadka intaas ku shubtaayi aysan walwal laseexan Karin, maxaad umalaysaa Soomaali ku shubanaya 100,000$ Boqol kun oo Dollar.
Haddaba iyadoo burburku saamayntiisa gaarka ah leeyahay hadana waa in aan loga faa’iidaysan dhuuqida dhiiga umada Soomaaliyeed.
Waxa aan Sheegay Madhabaa oo Madhacday?
Waxaa la yiri ‘’Mayd yaa ugu dambeeyay, kaas hada lasii sido’’ Xalay oo ay taariikhdu ahayd 19/10/2012, waxaa Soomaaliland ka dhacay waxa aan sheegayo, xalay fiidnimadii mar qura ayaa waxaa istaagay adeegii ZAAD ee dadku ay hantidooda ku aamineen, dadkii waxaa ku dhacay shook iyo wareer iyadoo ladareemayo inay saamayn wayn kuyeelatay arintaas.
Dadka ayaa halmar ku qamaamay xalay fiidkii xarumaha Shirkada Telesom oo ah shirkada bixisa adeegaas, kadib markii uu is xiray adeegii lacag keydinta, waxaa dhamaan istaagay lacag xawilistii iyo lacag kala soo bixidii, dadkii hantidu uga jirtayna waxay ogaadeen dhibta aysan ka fiirsan iyo lacagtoodu inay si fudud oo il biriqsi ah kuwayi karaan, kadib waxaa dhacday in dad badan oo meela kala duwan wax ka iibsaday alaabtoodi laga dhigtay markii adeegu uu shaqayn waayey sida super market yada sidoo kalena waxaa jiray markii adeegu xirmayey in maqaaxiyaha ugu waawayn ee ugu caansan Hargaysa ay fadhiyeen dad madax iyo maamuus leh ama sharaf lahaa oo wax ka cunay maqaaxiyahaas iskuna halaynayey adeega balse markay soo kaceen lakulmay adeegii oo xiran, milkiilayaasha maqaaxiyahaas ayaa qaatay go’aan ah inaysan ka bixi Karin goobahaas iyado meeshaas ay ka dhacday sharaf dhac baahsan iyo sumcad xumo, dadka qaar ayaa rahaamad dhigtay, waxaa hubaal ah inaan qadarta la leexin Karin balse asbaab qaadashada iyo taxadarku waa wax lagu faray lagaana rabo.
Dhibaatooyinkaas kuwa kaduwan wan maqlay oo inta badan waxaa hakad galaa adeegaas marar qaar wuu cuslaadaa tusaale ahaa maalmihii iida gobalada puntland aad ayuu isugu dhex yaacay dad ayaa lacagtii ka tagtay aysana gaarin qofkii loo diray, markaas ayaa waxaa dhacaysay in 3 jeer uu diro iyo wax ka badan ama ka yar kadibna uu hadhoow qofkii usoo dhacdo 3 lacagood halkaasna ismaan dhaaf iyo kusoo celin mayo ay ka dhacdo, iyo dhibaatooyin kale oo aan halkaan ku xusi karin.
Dhibaatooyinka qarsoon ayaa kamid ah in xitaa lacagaha burcad badeeda la isku dhaafsado halkaas iyadoo dawladu ama dawlad gobaleedyadu aysan ogayn, tuugada iyo burcada ayaa ku kala xawisha lacagaha iyagoo kala jooga cirif ilaa cirif iyadoo ay sahlayso adeeg loo bixiyay Sahal, maxay sahashaa dhamaan tuugada iyo burcadu inay ku dhuumato iyadoo aysan jirin riqaabo ama ilaalin lagu hayo.
Labo Talo: Mid kuwajahan Nimanka adeegaan sameeyay ama horseeday, iyo talo kuwajahan Soomaalida gudaha ee isticmaala adeegaan.
Waa tan koobaade shirkadahaas haday imaqlayaan ama cidi iga gaarsiinayso hadalkayga waxan dhihi lahaa umadan dhiig baxaysa qoraxada aad dhigaysaan ka daaya oo dhiiga inta hartay haka dhamaysanina ee ilaahay uga baqa ficiladiina iyo waxaad ku kacaysaan maalinta aakhiro waa laydiin soo taagayaa shilinkii luma.
Tan labaad ee ku wajahan macaamiisha soomaaliyeed ee isticmaala adeegaan, waxan leeyahay walaalayaal walaalkiin ayaan ahay oo idin la talinayaa ee iska ilaaliya meeshaad wax dhiganaysaan waayo waxan waa sawir ee maaha lacag aad taaban kartaan gabi ahaanba waa layr ifaya hadii uu jaajku kaa dhaco oo mobile kaagu shidmi waayo faqiir ayaa tahay, maaha in layr uu lacag idiin noqdo, taxadar iyo feejignaan sameeya, lacagtiina inta aad ubaahantihiin ku shubta inta kalena meelihii awalba wax la dhigan jiray dhigta, Guri, Bakhaar, Meherad, Bank iyo meelo kale oo xirzi ah, qofkii ku andacoooda amaanka waxan leeyahay tan ayaa kuu maan badan horteedna lagu kaydsan jiray, Technologyadu dhibteeda ayey leedahay waana inaad qaadataa wixii dhib kaasoo gaara.
Dhamaad.
W/Q: Hassan Jirde Hassan
E-mail: Jirde2001@gmail.com