Geeri waa ka daran yahay Kufsigu

Hordhac: Waxan halka uga ducaynayaa gabadha yarta ah ee sida foosha xun mooryaantu ugu kufsadeen Muqdisho, waxan sidoo kale uga ducaynayaa qoyskeeda iyo hooyadii dhashay gabadha, inuu Ilaahay u caafiyo, samirkoodana ka abaal mariyo. Aad baan uga xumahay xaqdarrada lagula kacay gabadh yar oo 14 jir. Waa ceeb u taal Soomaali oo dhan.

Gabaygan waxan kaga hadlayaa Kufsiga iyo dhibaatada uu u geysto bulashada.

Wuxu yiri:

 Gef weeyaan Kufsigu lagu galda’o gabadh xijaabnayde
Guba Hooyo, gaasira Ayey, Habaryar goynteede
Gabdhaheenna iyo taan dhalliyo caarka godobayne
Kii geystey naar buu ku geli goobta aakhiro’e
Ifkakan kaan lagaga goyn marbaa laga gudaayaaye
Geeri waa kadaran yahay kufsigu Guullaa maanacayee

 

Gudcurkii kuwii ugu gabbaday midan gugeed gaadhin
Gaban xuura sebigii kuwii guudka ku xambaartay
Sidii gaan Amxaaraad raggii gigayey jiidhkeeda
Go’ayeeyda goortay ilmada gabax ka siinaysay
Gollaheeda goortay maryaha gacanta saaraysay
Nimankii garayskeeda jaray gooyey hilibkeeda
Riximkeeda beynaad ku godey xididna gawsiiyey
Waa geshashkii ciidammada gaadhka loo diraye
Waa guduri tuutahaw gashaday gaade iyo boobe
Mooryaan galluubtii kharribay goofkii Huriwaaye
Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?

 

Afartaa dareen guba naftiyo lama garaystaan dheh

Gamas igu lignaadiyo mariid gaadhay feedha dheh

Galiilyo iyo ciil gaaxdayoon laga garaabayn dheh

 

Dhaaxay gumaad iyo xasuuq Xamar ku gaaleene

Dhaaxaa gurbood iyo haween loogu gaalibaye

Guudcaddaaga dhaaxaa la dilay oday garboodkiiye

Girligaanku dhaaxuu ka ciyey gole nabdoonaaye

Mooryaan gadooddiyo dagaal geeri badan keena

Dagaal ooge guubaabiyo qolo ku guuraysa

Goor iyo ayaan maatadoo gawrac lagu seemo

Gafuurduub gacmaha goysa iyo golihii qaaciido

Muqdishaay goleeyaay sharbaa kugu gadaannaaye

 

Goodkiyo abeesadu aday kugu gabraartaane

Nabsi soo gadaal baxa hadmaad godan barwaaqoobi?

Goormaa wax garad kuu arrimin guuldarrada baaja?

Goormaa caddaaladi galladi golaha qoyskaaga?

Goormaa la soo qaban raggii gabanta naafeeyey?

Waa geshashkii ciidammada gaadhka loo diraye
Waa guduri tuutahaw gashaday gaade iyo boobe
Mooryaan galluubtii kharribay goofkii Huriwaaye
Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?

Meeday dawladdii goyn lahayd xaqa guddoonkiisa?

 

WT. Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

Emailmabdalle@gmail.com