Dhegabadan oo isku dhexyaacay”Ciidanka dowlado waa alshabaab”

Dhegabadan ninka hogaamiya Maleeshiyaadka Dowlada ayaa waxaa ka soo yeeray hadal dadku la yaabeen oo ahaa waxaa dadka dhaca oo isbaarada dhigta waa Alshabaab oo dharka ciidanka isticmaala taaso dadku aad ula yaabeen maadama ay yaqanaan Maleeshiyaadka oo dhan iyo  gadiidka ay wataan oo mid mid loo yaqaan.

Dhegabadan ayaa cabsi iyo Rucbi badan   ka qaaday dagaalka dhibka badan oo Alshabaab ay kula jiraan oo aan lahayn meel oo ka bilowdo kuna dhamaado,wuxuuna dhowr mar  ka fakaday isku day dil oo la raadsheen kuwa ay is hayaan.

Maleeshiyaadka dhaqanka xun oo mooryaanta ah ayaa ah  kuwa dadka dhaca iyo dumarkana kufsada,waxayna Isbaaro  ama Jidgooyo soo dhigteen meel walba oo Alshabaab baneeyaan taas oo dadka shacabka dhibaato ku hayaan,waana tan ay wax ka qaban waayeen kuwa horbooda Maleeshiyaadka hab beeleedka loo soo aruurshay.

Dhegabadan ayaa ah nin leh balwado kala duwan sida ay sheegaan dadka yaqaan kumana  wanaagsana salaada iyo jidka rabi,wuxuuna inta badan  sheegaa been aan raad lahayn oo saxaafado la yaabto,wuxuuna aad u necebyahay Towxiidka iyo Ahlu Towxiidka, wuxuuna ka soo jeeda reer suufiyo ah “Qabuurogaleen” oo gobolada dhexe ee Somalia degan.

Waxaa iska cad in markan la joogo markii Dhegabadan shaqada la ceyrin lahaa maadama oo wax ka qaban waayay Maleeshiyaadka oo markan sida iska cad naftiisa kala cabsanayo maadama oo kala garan waayay Shabaab iyo  Maleeshiyaadka Dowlada!

Banaadir Post.