Dagaallo culus oo maanta ka dhacay deegaanada u dhaxeeya leego iyo Yaaq bari weyne ee gobolka Shabeellaha hoose ayay waxay wararku sheegayaan in Ciidamada Amisom halkaas Khasaare culus lagu gaarsiiyay.
Waddada u dhaxeysa Leego iyo Yaaq bari weyne ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay weeraro qorsheysan oo lagu naafeynayo Ciidamada Shisheeye ee Amisom, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada qeybo ka tirsan Waddadaasi.
Wadaadaas ayaa caan ku ah dagaalada noocan ah waxaana horay ugu jabay ciidankii xabshida oo kuwa Amisom ka tiro iyo tayo badnaa,waana meel aysan ku dagaal galin qof aan aqoon.
Amisom ayaa dareemaysa culayska dagaalku yeeshay markii banaanka looga magaalada Moqdisho maxaa yeelay waxaa sii adkaanaya waxwalba kuna sii adkanaya ninka difaaca ku jira ama isku biimaynaya dhul uusan aqoon.
Amisom ayaa ku weysey ciidamo aad u badan dagaalkan dabada dheer leh oo ay la galayaan XSHM oo intooda badan Somali ah ama dad ka soo jeeda degaanka dagaalku ka socdo,waana caqabadaha ay la kulmayaan kuwii soo duulay.
Amisom ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso inay sii joogto gayiga Somaaliyeed,kaaso ay ku dhiigbaxayaan habeen iyo maalin. Dowladaha Burundi iyo Uganda ayaa culays kale kala kulmaya dadkooda oo raba in dib loo soo celiyo ciidankan caloosha ku shaqeeya oo lagu biimeeyay gayiga Somaliyeed.
Beesha Caalamka ayaa ku bixisa dhaqaalo badan in ciidanka sii joogo Somalia laakin waxbaa si lama filaan ah isku bedelay,waana tan keeni karta inay dhawaan lugta furaan.
Banaadir Post.