Dagaalada oo ahaa kuwii ugu cuslaa oo magaalada Kismaayo soo mara tan iyo markii Magaalada ay lawareegeen Ciidamada Kenya ayaa xalay siyaaboyin kala kaga dhacay fariisimaha ciidamada cadowga kenya kuleeyihiin gudaha Magaalada.
Madaafiic xoog leh kadib waxaa xigay Dagaallo Culus oo Gilgilay Fariisimaha Ciidamada Kenya iyo Maleeshiyaadka Soomaalida kuleeyihiin Via Afmadoow iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.
Macada qasaaraha Ciidamada Kenya kasoo gaaray dagaaladii xalay ruxay fariisinka Ciidamada Kenya kuleeyihiin Kismaayo.
Dagaalka kadib ayay ciidamada Kenya rideen madaafiic xoogan oo ilaa iyo haatan aan lasheegin wax qasaaro ah oo ay ugaysatay shacabka Kismaayo.
Aroortii hore saaka ayay Maleeshiyaadka Axmed madoobe iska faafiyeen magaalada kuwaasi oo canaan kala kulmay Ciidamada Gumaystaha Kenya.
Waxaa kale oo xalay ciidanka Kenya kufsadeen dumar somali ah oo ay guryahooda kala soo baxeen kuwaas oo ay gaysteen Xeryahooda ka dibna ay banaanka ku soo tuureen,dadka ayaa la yaabay waxa ku dhacay Maleeshiyaadka la socda Kenya oo aan u diir nixin dumarka lagu kufsanayo hortooda!
Kismaayo ayaa ah magaalo la isku haysto waa howl bilow u ah kenya iyo kuwa soo raacay ee Somalida kuwaas oo hada qoorta iskula jira hab qabiil awgiis.