Maleeshiyaadka Dowlada ayaa gaaray wanlaweyn kana gaystay xasuuq iyo Kufsi ay kula kaceen dadka ku nool oo ah dad nabad haysta sanooyinkii la soo dhaafay,waxayna isku hasaytaan habkii Isbaarada Jidgooyada loo dhigan lahaa!!
Maleeshiyaadka ayaa wanlaweyn lagu geeyay Kaaraha Amisom ciidanka duulaanka ku yimid gayiga Somaliyeed,waxaana maanta ka dhex taagan colaad qaab beeleed ku dhisan oo dhici karta inay ku hoobtaan.
Ciidamada Amisom ayaa gaaray Balidoogle oo ay xarun ka samysateen waxayna ku socda dagaal adag oo ay ku qaadayaan Xarakatul Shabaab Mujaahidiin oo aad u diidan Ciidanka Amisom iyo Maleeshiyaadka Somalida oo Miinobaarka u ah.
Ciidamo ka tirsan Amisom ayaa go’odoon ku ah inta dhaxeysa Balidoogle iyo Yaaqberiweyne oo maalmo ka hor ku qabsaday dagaalo adag oo faraha lala galay,waxaana lagu waramayaa in Kaaro looga gubay mid kalena cilad xun ka gashay oo difaac uga ag jiraan.
kuwa uga sareeya maamula DF-ka ayaa ka hadal dhibka lagu hayo shacabka ku nool Shabeelada hoose oo maalmahan lagu hayo dhac,boob,kufsi iyo Isaabro aan dhamaad lahayn.